Qarax Khasaara Dhimasha iyo Dhaawac Ah Dhaliyay Oo Ka Dhacay Wadanka Tanzaaniya.

Saturday June 14, 2014 - 12:16:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaara Dhimasha iyo Dhaawac Ah Dhaliyay Oo Ka Dhacay Wadanka Tanzaaniya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo xalay ka dhacay Jaziiradda Zanzibaar ee wadanka Tanzaaniya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sawir Hore/Tusaale ahaan
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara dhaliyay oo xalay ka dhacay Jaziiradda Zanzibaar ee wadanka Tanzaaniya. Saraakiisha booliska Tanzaaniya ayaa sheegay in hal qof uu dhintay 5 kalane dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa oo lala eegtay goob isku imaatin ah.

Wariye ku sugan Tanzaaniya ayaa SomaliMeMo u sheegay in weerarka uu ku dhaawacmay Nin dowladda kala shaqeeya ka hortagga waxa loogu yeero Argagaxisada.

Qasim Mafuto ayaa laxaqiijiyay in dhaawac kasoo gaaray qaraxa,laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay in qaraxa Zanzibar ka dhacay loo adeegsaday Bambaano nuuca ganta laga tuura ah.


Isbuucii lasoo dhaafay ayay aheyd markii xoogag hubeysan ay weerareen saldhig boolis ayna dileen askar iyagoona horay usii qaatay hubkii ay wateen askarta ladilay.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items