Sawirro: Ciidamada AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Degmada Huriwaa.

Tuesday November 06, 2018 - 18:50:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Ciidamada AMISOM Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Degmada Huriwaa.

    Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ay ciidamada shisheeyaha AMISOM dad shacab ah ugu geysteen gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya toogasho ay ciidamada shisheeyaha AMISOM dad shacab ah ugu geysteen gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Ugu yaraan 4 qof shacab ah ayaa ku dhimatay toogashada oo ay ciidamada Burundi ka geysteen wadada laamiga ah ee Xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa.

Meydadka dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkii maanta ayaa lageeyay Isbitaalka Madiina, ehellada dadka ay dileen ciidamada AMISOM ayaa diiday in la aaso inta ay magtooda bixinayso Dowladda Federaalka.

Boqolaal qof shacab ah ayaa maanta dibad baxyo ka dhan ah ciidamada AMISOM ka oogay xaafado katirsan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, war kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada shisheeye ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamadooda laba qarax lala eegtay balse AMISOM wax war ah kama dhihin xasuuqii ay dadka shacabka ah ugeysatay.




Related Items