Doorashadii Madaxweyne Ee 'Koonfur Galbeed' Oo dib loo dhigay iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha oo digniin Jeedisay.

Tuesday November 06, 2018 - 19:22:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadii Madaxweyne Ee 'Koonfur Galbeed' Oo dib loo dhigay iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha oo digniin Jeedisay.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay dib udhaca ku yimid doorashadii dhanka hoggaanka ee maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin culus kasoo saartay dib udhaca ku yimid doorashadii dhanka hoggaanka ee maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa lagu sheegay in xil heynta maamulka Shariif Xasan Sheekh Aadan uu ku egyahay 17 Nov,2018.

"Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyadoo gudanaysa waajibaadkeeda dastuuriga ah waxay faraysaa madaxda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ee Soomaaliya in doorashada dowlad goboleedka ay qabsoonto xilliggii loo asteeyey oo ah 17ka November 2018ka" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.


Dhinaca kale odayaasha dhaqanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in dib udhac uu ku yimid waqtigii doorashada maamulkaasi.

Kulan ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayay ku eedeeyeen madaxda dowladda Federaalka in faragelin dhanka siyaasadda ah ku heyso doorashada madaxtinimada islamarkaana ay lacago laaluush ah siinayso xildhibaannada KG si ay usoo doortaan musharraxiin ay dowladdu wato.

Xiisada siyaasadeed ayaa lagasoo calaamadeynayaa magaalada Baydhabo waxaana magaalada lagu arkayaa siyaasiyiin xil doon ah oo Hoteellada waaweyn lacago laaluush ah kusiinaya xildhibaanada Maamulka.

Shariif Sakiin oo waqtigiisu gabaabsi yahay ayaa isna sameynaya wax walba oo uu uga adkaan karo musharraxiinta Farmaajo iyo Kheyre ay wataan ee Baydhabo ku sugan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items