Xisbiga Donald Trump Oo looga Guuleystay Doorashooyinkii Baarlamaanka Mareykanka.

Wednesday November 07, 2018 - 10:36:09 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Donald Trump Oo looga Guuleystay Doorashooyinkii Baarlamaanka Mareykanka.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee xilliga kalabarka looga adkaaday xisbiga talada haya ee Trump madaxda ka yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump ayaa ka naxay guusha ay gaareen dimuquraadiyiinta
Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in doorashooyinkii baarlamaaniga ahaa ee xilliga kalabarka looga adkaaday xisbiga talada haya ee Trump madaxda ka yahay.

Warbixinno hordhac ah ayaa sheegaya in Xisbiga Dimuquraadiga uu  hantay inta badan kuraastii baarlamaanka kadib codbixintii dhacday sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay.

Nancy Pelosi oo ah guddoomiyaha Aqlabiyadda Xisbiga Dimuquraadiga ee golaha Baarlamaanka ayaa sheegtay in la joogo waqtigii ay midoobi lahaayeen shacabka Mareykanka waxayna ku faantay guusha ay kasoo hooyeen doorashadii dhacday.

Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in Dimuquraadiyiintu ay heleen 229 kursi halka Jamhuuriyiitu ay heleen 209 Kursi, Donald Trump oo hadlay ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isdajiyaan.


Wariyaasha ayaa soo sheegaya in guusha ay dimuquriyaadiyiintu kasoo hooyeen isreeb reebka doorashooyinka ay caqabad weyn ku noqon doonto maamulka Trump waxayna awood uyeelanayaa in ay is hortaagaan fulinta go'aammada uu soo saaro sidoo kale waxay qalqal gelinayaan doorashada madaxtinimada afartii sanaba mar la qabto.

Dadka Baarlamaanka Mareykanka ku biiray waxaa kamid ah shakhsiyaad katirsan jaaliyadaha muslimiinta America oo ay kamid tahay  haweenay Soomaali ah oo lagu magacaabo Ilhaan Cumar.

Dhinaca kale Xisbiga Jamhuuriga ayaa difaacday golaha odayaasha ee aqalka sare wuxuuna helay 51 cod halka dimuquraadiyiintu ay heleen 49 cod balse muhiimad weyn malahan aqalka sare oo halka laysku hayo waa aqalka hoose oo udhigma Baarlamaanka wadanka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items