Shariif Xasan Oo Cadaadis Siyaasadeed kadib iska Casilaad Ku Dhawaaqay.

Wednesday November 07, 2018 - 17:30:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shariif Xasan Oo Cadaadis Siyaasadeed kadib iska Casilaad Ku Dhawaaqay.

    Hoggaamiyihii maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxtinimo ee uu maamulkaasi ka hayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyihii maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxtinimo ee uu maamulkaasi ka hayay.

Shariif Sakiin oo maanta gelinkii dambe shir jaraa'id ku qabtay magaalada Baydhabo ayaa shaaciyay in uu iska wareejiyay xilka madaxweynaha 'Koonfur galbeed' islamarkaana uusan isku sharrixi doonin doorashada soo socota.

Isagoo odayaal dhaqameedyo iyo wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka ka hor hadlayay ayuu sheegay in uu tanaasulay kadib markii uu arkay colaad dhiig ku daadato oo laga hurinayo magaalada.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in wadahadal siyaasadeed oo uu Shariif Sakiin lagalay madaxda dowladda Federaalka ay sabab u aheyd in uu xilka iska casilo.

Tallaabadan uu qaaday Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo gaba gabeynaysa khalalaasa dhanka siyaasadda ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhax taagnaa maamulka Koonfur Galbeed iyo Hoggaanka DF-ka.

Related Items