Sawir: Ciidamada Kenya Oo Gaari Jiirsiiyay Askari Katirsanaa Maamulka 'Jubbaland.

Thursday November 08, 2018 - 09:14:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir: Ciidamada Kenya Oo Gaari Jiirsiiyay Askari Katirsanaa Maamulka 'Jubbaland.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada gummeysiga Kenya ay gaari jiirsiiyeen mid kamida maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada hoose ayaa sheegaya in ciidamada gummeysiga Kenya ay gaari jiirsiiyeen mid kamida maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaari Beebe ah oo ay wateen ciidamada Melleteriga Kenya uu si ula kac ah u jiiray askari hubeysan oo xilligaas wadada laamiga ah taagnaa.

Muuqaal lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya in gaariga gaashaaman ee ciidanka Kenya wateen oo dul maraya askariga, wararka ayaa intaas ku daraya in gaariga wax jiiray uu socodkiisa iskasii watay isaga oo aan u istaagin askariga uu dilay.

Daqiiqado kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo kale oo maamulka 'Jubbaland' katirsan kuwaas oo Meydka askariga gaarigi jiiray wadada ka qaaday.


Ciidamada Kenya ayaa xoog ku heysta magaalada Kismaayo iyo deegaanno kale oo katirsan Jubbada Hoose iyo Gedo waxaana dabadhilifyo u ah Axmed Madoobe iyo kumanaan katirsan maleeshiyaadkiisa.



SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items