Shil Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Zimbabwi.

Thursday November 08, 2018 - 09:27:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Dalka Zimbabwi.

    Wararka ka imaanya dalka Zimbabwi ayaa sheegaya in ugu yaraan 47 ruux ay rakaab ah ay dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo marayey deegaano dhaca koonfur bari wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanya dalka Zimbabwi ayaa sheegaya in ugu yaraan 47 ruux ay rakaab ah ay dhinteen, tiro kalena ay dhaawacmeen ka dib markii ay isku dhaceen laba bas oo marayey deegaano dhaca koonfur bari wadankaasi.


Warbaahinada gudaha ayaa sheegay in bas weyn oo ku sii jeeday magaalada Caasimada ah ee Harare, kana yimid magaalada Mutare iyo mid kale oo ka hor yimid ay isku dhaceen, taasi ay sababtay in burbur xoogan uu soo gaaro labada Bas, dadkii saarnaana ay badankood halkaasi ku dhintaan.

Police-ka ayaa sheegay in shilka uu dhacay wadada u dhexeysa Harare iyo Mutare ee dhirirkeeda lagu qiyaaso 166km.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa dhowrjeer ku soo noqnonqday wadanka Zimbabwe, waxaana xusid mudan in sidan oo kale bishii July ee sanadkii 2015-kii ay ugu yaraan 8 ruux dhinteen, ayna dhaawacmeen 50 kalena, markii uu gaddoomay gaari xawaare ah uu qalimbay.

Related Items