Donald Trump Oo Shaqada Ka Eryay Wasiirkiisi Cadaaladda.

Thursday November 08, 2018 - 09:36:56 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump Oo Shaqada Ka Eryay Wasiirkiisi Cadaaladda.

    Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaqada ka eryay mid kamida wasiirradii ugu dhowaa Donald Trump islamarkaana ahaa gacantiisa midig.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka cad ee Mareykanka ayaa shaqada ka eryay mid kamida wasiirradii ugu dhowaa Donald Trump islamarkaana ahaa gacantiisa midig.

Wararka ka imaanaya magaalada Washington ayaa sheegaya in lacasilay Jeff Sessions oo ahaa wasiirka cadaaladda ku dhawaad 2 sanadood xiriir ah.

Qoraal kooban oo Donald Trump uu ku faafiyay bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in uu shaqada ka eryay Jeff Sessions wasiirkiisi cadaaladda "waxaan Jeff Sessions u mahad celinayaa shaqadii wanaagsaneed ee uu qabtay guul ayaana urajeynayaa" ayuu yiri Donald Trump.

Jeff Sessions ayaa dhowr jeer weerar dhanka afka ah ku qaaday siyaasadda Donald Trump wuxuuna kasoo horjeestay go'aannadii uu ka qaatay dadka soo galootiga ah, sidoo kale waxay isku maandhaafeen baaritaannada lagu hayo ku lug lahaashiyaha dowladda Ruushka ee doorashooyinkii Trump ku noqday madaxweynaha Mareykanka.


Inkabadan 40 mas'uul ayaa iska casilay shaqadii ay ka hayeen dowladda Mareykanka ama lacasilay tan iyo markii Trump noqday madaxweynaha Mareykanka horraantii sanaddii 2017.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items