Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka HiirShabelle Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Thursday November 08, 2018 - 17:26:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka HiirShabelle Oo Lagu Dilay Muqdisho.

    War goordhow ku soo dhacay warqabadka SomaliMeMo ayaa tibaaxaya in goordhow magaalada Muqdisho lagu khaarijiyey xildhibaan ka tirsan baarlamanka HiirShabelle sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo saraakiil sarsare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaariga qaraxa lala eegtay
War goordhow ku soo dhacay warqabadka SomaliMeMo ayaa tibaaxaya in goordhow magaalada Muqdisho lagu khaarijiyey xildhibaan ka tirsan baarlamanka HiirShabelle sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal iyo saraakiil sarsare.


Qarax aad u xoogan ayaa lala eegtay gaari uu watay Cabdi Wali Maxamed Ibraahim oo ahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HiirShabelle, taas oo keentay in durbaba uu xildhibaanka goobta ku dhinto.

Dad Goobjoogeyaal ah ayaa SomaliMeMo u sheegay in qaraxu uu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana uu gaarigu in muddo ah ku gubanayey halka lagu beegsaday.

Sarkaal sare oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus u sheegay in qaraxa  ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan ciidamadooda gaarka ah islamarkaana lagu khaarijiyey xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka ee maamulka HiirShabelle.


"Waxaan beegsanay gaari uu lahaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka HiirShabelle xilli uu marayey meel u dhow madaxtooyada, Waxaana Allaah fadligii inoo suuragashay inaan halkaas ku dilno xildhibaankaas murtadka ah" ayuu yiri Sarkaal ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo la hadlay Idaacadda Islaamiga Andalus.

Xarakada Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada qorsheysan ee ay ku beegsaneyso xildhibaanada Soomaalida, waxaana xusid mudan in bishii Sept. ee la soo dhaafay ay sidan oo kale u beegsatay gaari uu watay xildhibaan Maxamed Mursal Booroow, kaas oo si halis u dhaawacmay, ilaa hadana laga deyrinayo xaaladiisa caafimaad.


Related Items