Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Hotel Saxafi.

Friday November 09, 2018 - 17:15:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar Lagu Qaaday Hotel Saxafi.

    Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar Inqimaasi ah ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kaas oo ka mid ah hoteellada ay dagan yihiin madaxda iyo Saraakiisha DFS.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaalyahanno hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar Inqimaasi ah ku qaaday Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho kaas oo ka mid ah hoteellada ay dagan yihiin madaxda iyo Saraakiisha DFS.


Weerarkan ayaa lagu daahfuray camaliyad Istish-haadi ah kadibna ciidamo hubeysan oo inqimaasi ah ayaa gudaha u galay Hotelka, waxaana hadda ay xabad kulul ka socotaa gudaha Hotelka sida ay ilo wareedyo u xaqiijiyeen shabakada SomaliMeMo.

Markii ay dagaalyahannadu gudaha u galeen Hotelka ayey  dadkii ku jiray Hotelka waxay u soo yaaceen dhanka ilinka dambe ee Hotelka si ay u baxsadaan, balse waxaa iyagana lala eegtay camaliyad kale oo istish-haadi ah oo dhacday 5 daqiiqo ka dib markii uu howlgalku bilowday.


Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan waxayna xaqiijisay in ay beegsatay Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, saraakiil amni iyo mas'uuliyiin ka tirsan DFS.

Xabadda ayaa weli ka socota gudaha Hotelka, waxaana dagaalyannada lagusoo warramayaa in ay toogasho ka wadaan qololka Hotelka, welina ciidamada DFS uma suuragalin ay gudaha u galaan dhismaha oo ay soo afjaraan weerarka.

la soco wixii ku soo kordha INSHA'ALLAAH

Related Items