Mareykanka Oo Joojiyay Shidaal Siinta Diyaaradaha isbaheysiga Carabta Ee Yemen Ku duulay.

Saturday November 10, 2018 - 10:01:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Joojiyay Shidaal Siinta Diyaaradaha isbaheysiga Carabta Ee Yemen Ku duulay.

    Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay howlgal ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shidaal kusiin jireen diyaaradaha isbaheysiga Carabta ee duullaanka ku qaaday wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda difaaca dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay howlgal ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay shidaal kusiin jireen diyaaradaha isbaheysiga Carabta ee duullaanka ku qaaday wadanka Yemen.

Mas'uul American ah ayaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiijiyay in si rasmi ah loo hakiyay howlgal hawada shidaal lagusiin jiray diyaaradaha dowladaha Imaaraatka Carabta iyo Sacuudiga marka ay duqeymaha ka geysanayaan Yemen.

Dhinaca kale wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa faafisay bayaan ay ku sheegtay  in hoggaanka isbaheysiga Carabta ay awood u yeesheen shidaal siinta diyaaradahooda Yemen ka howlgala sidaas daraadeed ay iyagu Washington ku wargeliyeen in ay joojiso howllihii shidaal siinta.


Diblumaasiyiin reergalbeed ah ayaa lagasoo xigtay in tallaabada uu Mareykanku ku joojiyay shidaalsiintii hawada diyaaradaha taxaalufka carabta ay kamid tahay jawaab celinta laga bixinayo dilkii saxafiga Jamaal Khaashquji oo Sacuudigu mas'uul ka ahaa.

Washington,Riyad iyo Abu Dhabi ayaa wadaag ku ahaa gummaadka shacabka Yemen afartii sanadood ee lasoo dhaafay balse cadaadis Mareykanka uga yimid hay'adaha sheegta in ay xuquuqul insaanka udoodaan ayaa ku qasbay in uu wax la bedelo taageerada uu siiyo taxaalufka carabta.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items