Al-Shabaabow Maxaad U Weerartaan Hotellada Ku hareeraysan Wadada Makka Al-Mukarrama? Qormo Muhiim Ah.

Saturday November 10, 2018 - 19:57:33 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Al-Shabaabow Maxaad U Weerartaan Hotellada Ku hareeraysan Wadada Makka Al-Mukarrama? Qormo Muhiim Ah.

    Waa su'aal ay mar walba is weydiiyaan dadka aan xaaladda la socon iyo kuwa Madaxda Dowladda Federalka ah, waana su'aal u baahan in la helo jawaabteeda oo waafi ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa su'aal ay mar walba is weydiiyaan dadka aan xaaladda la socon iyo kuwa Madaxda Dowladda Federalka ah, waana su'aal u baahan in la helo jawaabteeda oo waafi ah.


Weerar ay qaado Xarakada Al-Shabaab uma horreyn Hotelka Saxafi balse waxay marar badan beegsatay Hoteello badan oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarrama.

Ka "Qoraa” ahaan si aan u ogaado ujeedada ayaa waxaan dib u milicsaday dhowr Hoteel oo la weeraray sannadihii lasoo dhaafay iyo noocyada dadka ku dhintay, waxaana ii soo baxday natiijada.

March 27, 2015, Dagaalyahanno hubeysan ayaa xoog ku galay Hotel Maka Al-Mukarrama halkaasoo lagu dilay mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo uu kamid yahay Yuusuf Bari-bari oo ahaa safiirka dowladda u fadhiyey Geneva xarunta xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobey.





Nofembar 01, 2015, Askar ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka Saxafi kadib markii ay qarax kusoo furteen illika hore, waxaana ay ku dileen dad badan oo dowladda ka tirsan. Dadkaas waxaa kamid ahaa C/Kariin Dhaga Badan oo ahaa Abaanduulihii ciidanka DF, Xildhibaan Abti-Doon iyo C/rashiid Ilqeyte.

26 Juunyo 2016, Waxay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerartay Hotel Naasa Hablood (1) oo wax yar u jira isgoyska KM4 waxaana halkaa lagu dilay mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan.

Dadka ugu caansan waxaa kamid ahaa Burci Maxamad Xamsa oo ahaa Xildhibaan kana tirsanaa Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.


29 oktobar ee 2017, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerartay Hotelka Naasa Hablood (2) oo uu leeyahay Maxamad Abuukar Islow Wasiirka Amniga DF, waxaana halkaa lagu dilay kamid ahaa Madoobe Nuunow oo ahaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Koofur Galbeed, Xildhibaan Gaarane, Taliye Fanax iyo kuwa kale.


Weerarkaas waxaa ka badbaaday Cali Maxamad Geedi oo ahaa ninkii ugu hooreeyay ee ciidamada Itoobiya kusoo hogaamiyay Soomaaliya marka Cabdullaahi Yuusuf laga yimaado. Sidoo kale waxaa si dirqi ah uga badbaaday Salaad Cali Jeelle kaasoo sheegay inuu muddo 11 sano ah degganaa hotelkan.

October 14, 2018, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ka geystay magaalada Baydhabo iyadoo meelihii ay beegsadeen uu kamid ahaa Hotelka Bilan oo uu leeyahay Maxamad Aadan Farkeeti oo kamid ah Murashaxiinta K/Galbeed.

Weerarkaas waxaa ku dhintay Xildhibaan lagu magacaabo Carfaaye, Maxamed Yare oo ah agaasimaha wasaaradda Gaadiidka maamulka Koonfur-galbeed, Maxamed Macalin Cabdi Raxmaan oo kamid ah gudi u ol’oleynta Farkeeti iyo kuwa kale.


November 9, 2018, Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo iyo kuwa toos ah oo xoog ku gal ah ku qaaday Hotelka Saxafi, waxaana dadkii ku dhintay kamid ah C/Fataax Ilqeyte oo ahaa milkiilaha iyo saraakiil ka tirsan dowladda. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta C/Rasaaq Bahlaawe, Taliyihii ciidanka ee degmada Hodan iyo xubno kale.

Markaad eegto dhacdooyinkan waxaa kuu soo baxaya in Hoteello gaar ah la weeraray, bal aan la beegsan dhammaan hoteellada wadanka, waxaana ay maskaxdu soo tufeysaa su’aasha ah, waa maxay sababtu. Jawaabtana waxay ila tahay in adigoon meel dheer aadin aad ka heli karto magacyada dadka lagu dilay Hotellada ee kor ku xisan.

Tani waxay caddeeneysaa in xildhibaanada, saraakiisha iyo xubnaha kala duwan ee DF-ku deggan yihiin hoteelada dhaca jidka Maka-Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho kadib markii ay cabsi awgeed u aadi waayeen hoygooda.

Ugu dambeyntii, waa inaan dhacdooyinka wax ka barannaa. Aniga markaan dhowr jeer arkay sida ay wax u dhacayaan waxaan go’aansaday inaan isaga haro oo aanan cidna kula ballamin ama aanan Shaah u doonan Hotel mustahdaf ah oo aan ogahay cidda deggan iyo cidda doon-dooneysa, waxaana ku badashay hoteelada iyo meelaha aan dakanaysneyn, waana arrin qof walba la gudboon.

Xigasho: Amiirnuur.com

Related Items