Mukhtaar Rooboow Oo Kulan laqaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya.

Sunday November 11, 2018 - 11:30:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 3
  • Share via Social Media

    Mukhtaar Rooboow Oo Kulan laqaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska Uqaabilsan Soomaaliya.

    Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa wali kasii socda tartanka siyaasadeed oo u dhaxeeya shakhsiyaadka dabadhilifyada ah ee doonaya in ay qabtaan xilka hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa wali kasii socda tartanka siyaasadeed oo u dhaxeeya shakhsiyaadka dabadhilifyada ah ee doonaya in ay qabtaan xilka hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Mukhtaar Rooboow oo kamid ah siyaasiyiinta xildoonka ah ee utaagan qabashada madaxweynaha 'Maamulka Koonfur galbeed' ayaa bilaabay in uu siyaasaddiisa ka gado wakiillada dowladaha reergalbeedka ee Soomaaliya.

Rooboow oo kulan la qaadanayay safiirka dowladda Ingiriiska uqaabilsan Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu jajabanyahay reergalbeedka, sawir lasoo dhigtay barta Twitterka ee safaaradda UK Soomaaliya waxaa kasoo muuqanayay Rooboow oo labada gacmood ku salaamaya safiirka caddaanka ah.


Wuxuu ahaa muuqaal muujinayay shisheeye jaceyl uu durbaba lasoo shir tagay Rooboow, safiirka Ingiriska ayaa hal gacan usoo taagay Rooboow kadibna wuxuu si jiljileec leh ugeliyay labadiisa gacmood.

Lama oga waxa ay labada dhinac kawada hadleen balse kulankan ayaa farriin u ahaa in waxa loogu yeero beesha caalamka ay ku qanacsanyihiin tanaasulka dhanka Mabda'a ah ee Rooboow sameeyay waxaana waxba kama jiraan noqday  xayiraaddii ay wasaarradda ammaanka  kusoo rogtay Mukhtaar Roobow.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items