Sarkaal Yahuudi Ah iyo Shacab Filasdiiniyiin Ah oo lagu Dilay Koonfurta Magaalada Ghaza.

Monday November 12, 2018 - 09:41:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Yahuudi Ah iyo Shacab Filasdiiniyiin Ah oo lagu Dilay Koonfurta Magaalada Ghaza.

    Todobo qof filasdiiniyiin ah oo uu kamid yahay hoggaamiye katirsan kooxaha muqaawamada ayaa ku shahiiday iska hor'imaadyo xooggan oo ka dhacay magaalada Alkhaliil ee Koonfurta Marinka Ghaza.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobo qof filasdiiniyiin ah oo uu kamid yahay hoggaamiye katirsan kooxaha muqaawamada ayaa ku shahiiday iska hor'imaadyo xooggan oo ka dhacay magaalada Alkhaliil ee Koonfurta Marinka Ghaza.



Wararka ka imaanaya Filasdiin ayaa sheegaya in xoogaga islaamiga Filasdiin ay fashiliyeen howlgal ay ciidamada Yahuuddu ka fuliyeen magaalada Khaan Yuunis halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan garabka melleteri ee Cizzudiin Al Qassaam.

Afhayeen u hadlay xoogaga muqaawamada ayaa warbaahinta u sheegay in shalay gelinkii dambe ay ciidamada Yahuud ah oo iskusoo qariyay gaari shacab ah usoo xaluusheen bariga khaan Yuunis fogaan dhan illaa 3Km kadibna ay dileen sarkaal melleteri oo lagu magacaabo Nuur Barkah.


Markii laga war helay dilka sarkaalka iyo joogitaanka ciidanka Yahuudda ayay xoogaga islaamiga ah waxay eryadeen saraakiishii Yahuudda ee howlgalka dilka ah fuliyay waxayna ku guuleysteen in ay sarkaal sare ka dilaan cadowga mid kalane ay ka dhaawacaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Yahuuddu ay adeegsatay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaan Drone-ka waxaana ku shahiiday rag katirsan xoogaga muqaawamada iyo dad shacab ah.

Raadiyaha ku hada Afka Ciidamada Yahuudda ayaa xaqiijiyay in hal sarkaal looga dilay howlgalka fashilmay mid kalane looga dhaawacay, maamulka Yahuuddu wuxuu sheegay in howlgalku ahaa isku day lagusoo qafaali rabay sarkaalka katirsan xoogaga islaamiga ah balse uu fashilmay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga wax iska caabinta ay heegan sare geliyeen ciidamadooda si ay uga gaashaantaan weerar kale oo ay suurtagal tahay in Yahuuddu soo qaadaan, weerarkan ayaa imaanaya xilli heshiis xabad joojin ah uu dhaxmaray Ururka Xamaas iyo maamulka Yahuudda.

SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items