Ciidamdaa Taliban Oo qabsaday Magaalo istiraatiiji Ah oo Afghanistan katirsan.

Monday November 12, 2018 - 18:39:41 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamdaa Taliban Oo qabsaday Magaalo istiraatiiji Ah oo Afghanistan katirsan.

    Xoogaga Islaamiga Taliban ayaa kusii luga fidsanaya qeybo badan oo katirsan wadanka Afghanistan xilli dib ugurasho ay sameynayaan maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Islaamiga Taliban ayaa kusii luga fidsanaya qeybo badan oo katirsan wadanka Afghanistan xilli dib ugurasho ay sameynayaan maleeshiyaadka xukuumadda dabadhilifka Kaabuul.



Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Taliban ay qabsadeen degmo muhiim ah oo katirsan gobolka Gazni ee galbeedka wadankaasi dhaca.

Kadib dagaallo shan maalmood oo xiriir ah qaatay ayay ciidamada Imaarada islaamiga ee Afghanistan waxay ku guuleystaan in ay gacanta ku dhigaan magaalada Maalistaan oo ay kuyaallaan saldhigyo melleteri iyo xarumo maamul.

Malleeshiyaad shiico ah oo ka amar qaata dowladda Maraykanka ayaa magaaladan kula dagaallamay Mujaahidiinta, kuwaas oo sanooyinkii lasoo dhaafay maamulayay, balse ugu dambeyn waxaa lagu qasbay iney cararaan.

Imaarada Afghanistan ayaa xilli hore dooneysay iney la wareegto, balse xilli dambe waxay iska dhaaftay weerarkii ay ku heysay, iyadoona qaadatay istiraatiijiyad ah iney la wareegto degmooyinka ku hareereysan degmada Maalistaan, taas oo suuragelin karta in si fudud lagu qabsado.



Dhinaca kale Afhayeen u hadlay xaakimka gobolka Ghazni ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadooda laga qabsaday magaalada Maalistaan wuxuuna qabsashadaas ku macneeyay dib ugurasho xeeladeysan oo ay ciidamadoodu sameeyeen.

Tallaabadan ayaa imaanaya xilli dagaalyahannada Islaamiga ah ay iskusii fidinayaan dhul baxaad leh oo katirsan 34-ta gobol ee uu ka koobanyahay wadanka Afghanistan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items