Muqaawamada Filastiin iyo Yahuudda oo is dhaafsaday duqeymo xoogan, iyo xaalad dagaal oo kataagan Jiidda Qazza.

Tuesday November 13, 2018 - 11:35:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqaawamada Filastiin iyo Yahuudda oo is dhaafsaday duqeymo xoogan, iyo xaalad dagaal oo kataagan Jiidda Qazza.

    Wixii ka dambeeyay howlgalkii fashilmay ee ciidamada Yahuudda ka fuliyeen qeybo kamid ah Jiidda Qazza waxaa sii kordhay duqeymaha ay is dhaafsanayaan kooxaha wax iska caabinta iyo Yahuudda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wixii ka dambeeyay howlgalkii fashilmay ee ciidamada Yahuudda ka fuliyeen qeybo kamid ah Jiidda Qazza waxaa sii kordhay duqeymaha ay is dhaafsanayaan kooxaha wax iska caabinta iyo Yahuudda.


Garabka milliteri ee Xarakada Xammaas Cizzu-diin Al-Qassaam ayaa tan iyo shalay waxay sawaariikh farabadan ku garaaceen dhulka ay Yahuudda xooga ku degeen ee xuduuda la leh Jiidda Qazza.

Waxaa la arkayay iyadoo Yahuudda u cararayaan goobaha laga galo sawaariikhda iyo gantaallada, iyo sawaariikh kusoo daadaneysa magaalooyinkooda.

Illaa iyo hadda waxaa lasoo sheegayaa in hal qof oo Yahuudi ah uu dhintay, halka uu dhaawacmay mid kale, waxaana Muqaawamadu ku hanjabtay iney awood u leedahay duqeynta malaayiin ruux oo Yahuudi ah.



Dhanka Yahuudda, diyaaradah milliteriga ee Yahuudda ayaa duqeeyay magaalooyin kamid ah Jiidda Qazza, iyadoona la sheegayo tiro shuhado ah oo ku dhintay duqeymahaas.

Tvga Al-Aqsa oo ku hadla afka kooxaha wax iska caabinta ayaa baahiyay muuqaal muujinaya bas ay saaranyihiin ciidamo Yahuud ah, kuwaas oo ay muqaawamadu beegsaneyso, waxaana beegsigaas ku dhintay ugu yaraan hal askari.

Lama oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda Jiidda Qazza, taas oo markale ay ka hurtay dhimbilaha Jihaadka iyo Nafhurka, waxaana kooxaha Muqaawamadu sheegeen iney diyaar u yihiin difaaca dhulkooda, iyo in duruus lama ilaawaan ah u dhigaan ciidamada Yahuudda.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items