Booliska Turkiga Oo Xiray Gabar Muslimad Ah Oo diiday in ay Weynayso Calmaani Ataatorki.

Thursday November 15, 2018 - 12:28:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Turkiga Oo Xiray Gabar Muslimad Ah Oo diiday in ay Weynayso Calmaani Ataatorki.

    Wararka ka imaanayo wadanka Turkiga ayaa sheegaya in ciidanka Police-ka wadankaasi ay xabsiga dhigeen gabar Muslimad ah oo lagu magacaabo Iman Shahin taas oo ku dhawaaqday "Kamaal Ataatorki ma ahan Ilaah" xilli dadka Turkida ah ay weynayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo wadanka Turkiga ayaa sheegaya in ciidanka Police-ka wadankaasi ay xabsiga dhigeen gabar Muslimad ah oo lagu magacaabo Iman Shahin taas oo ku dhawaaqday "Kamaal Ataatorki ma ahan Ilaah" xilli dadka Turkida ah ay weynayeen geeridi gaalkii calmaaniga Ataatorki oo daqiiqad aamusnaan ah ay kugada jireen.


Gabadhan Muslimada ah oo asal ahaan kasoo jeeda isla wadanka Turkiga ayaa aheyd ardayad dhigata kuliyadda caafimaadka magaalada Darnah ee wadanka Turkiga waxa ayna kalimaddan kaga dhawaaqday isla magaalada, xilli loo baroor diiqda geeridii ku timid Kamaal Ataatorki oo ah asaasihii xukuumada calmaaniga ah ee wadankaasi.

Ciidanka Police-ka ayaa gabadhan gacanta ku dhigay, waxa ayna ku xireen mid kamid ah xabsiyada wadankaas iyagoo ku eedeynaya in ay ku xad gudubtay Asaasihoi xukuumada calmaaniga ah ee Turkiga, kaliyana waxa afkeeda kasoo baxay waxa ay aheyd "Ataatorki ma ahan ilaah ee waa addoon, anagana waxaan leenahay Allah Subxaanahu watacaalaa" intii lagu guda jiray daqiiqada aamusnaanta ee lagu weyneynayey gaalkan calmaaniga ah.



Dhacdadan ayaa ka dhacday wadanka Turkiga horaantii Isbuucaan, illaa hadana waxa ay gabadhani u xiran tahay ciidanka Turkiga iyagoo sheegay inay maxkamad horgeynayaan.

Gudaha wadanka Turkiga laguma ciqaabo dadka aflagaadeeya Diinta islaamka, sidoo kalena sharciga wadankaas ayaa dhigaya in ragga is guursada ay xuquuq ku leeyihin dowladda uusana jirin qof ku xad gudbi kara, sidoo kalena waxaa ka mid ah in cayda Kamal Atatorki ay tahay jariimo weyn oo aan la dhafi Karin, qofkii u gafana uu ku muteysanayo xabsi iyo wixii ciqaab ah ee maxkamada calmaaniga ah ee wadankaas ay u garato.

Kamal Atatorki ayaa lagu xasuustaa in uu wadankan ku maamulay Dastuur calmaani ah oo lagasoo min guuriyay dhaqamada reer galbeedka, sidoo kalena uu si daran ula dagaalamay faafida diinta islaamka, isagoo albaabada isugu dhuftay Masjidkii weynaa ee Ayaa Soofiya wuxuuna ubedelay matxaf qaran

Related Items