Maxaa Jabuuti udiiday in ay kamid Noqoto isbaheysiga Sedaxda Dowladood? Maxaase Kajira iyo Soomaaliya lagu darayo Itoobiya [Warbixin].

Thursday November 15, 2018 - 13:36:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Jabuuti udiiday in ay kamid Noqoto isbaheysiga Sedaxda Dowladood? Maxaase Kajira iyo Soomaaliya lagu darayo Itoobiya [Warbixin].

    Waxaa si xowlli ah ku socda xusulduubka lagu doonayo in lagu baabi'iyo dalka Soomaaliya laguna biiriyo dowladaha Eritrea iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waa khariirad muujinaysa sida Oromadu isugu fidinayso dhulka Soomaalida.
Waxaa si xowlli ah ku socda xusulduubka lagu doonayo in lagu baabi'iyo dalka Soomaaliya laguna biiriyo dowladaha Eritrea iyo Itoobiya.

Shirar isdaba joog ah oo magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa ay ku yeesheen madaxda dowladaha Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya  ayaa lagu go'aamiyay in mustaqbalka dhow meesha laga saaro dalka Soomaaliya uuna kamid noqdo dowlad cusub oo Itoobiya ay majaraha uheyso oo sida lagu doodayo dhismi doonto waqti aan dheerayn.

Cadowga Soomaalida ayaa maleegaya dhagara hor leh iyagoo adeegsanaya caada qaatayaal sheeganaya in ay yihiin madaxda Soomaaliyeed, mashruucan oo boor isku qaris looga dhigay "Nabadeynta geeska Afrika" ayaa tiigsanaya in meesha laga saaro dhulalka Soomaalida ee gummeystihii caddaanka uu kala qeybiyay sanaddii 1884.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Jabuuti ay diidantahay ku biiritaanka isbaheysigan ay sedaxda dowaladood suuqey geynayaan, Ismaaciil Cumar Geelle oo isku arka Nin hoggaaminaya dowlad leh dekado iyo istiraatiijiyad dhanka ganacsiga iyo melleteriga ah ayaa diiday in uu isbaheysigan ku biiro isagoo ilaashana masaalixdiisa.

Ka Maqnaashiyaha Jabuuti ee isbaheysigan uu fikraddiisa leeyahay Abiy Axmed ayaa lagu macneeyay khilaafka udhaxeeya dowladda Imaaraatka Carabta iyo Jabuuti sababtoo ah imaaraatka waa midda maalgelinaysa qarashka ku baxaya dhismaha isbaheysigan waxayna doonaysaa in Jabuuti ay tusto in aysan ubaahneyn dekadaheeda kulaala badda cas.

Aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa sheegay in sanaddii 1986-dii lahelay shax cadowga dajiyay oo dhigaysa in laysku biirin doono Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya lagana dhigi doono hal dowlad oo Itoobiya madax ka tahay maadaama ay iyadu ugu dad badantahay mandiqadda.

Shaxdan ayaa hadda 33 sanadood kadib dhaqan gelinteeda loo rucleynayaa waxaana meesha ka bixi doona dalka hadda loo yaqaan Soomaaliya iyo dadkiisa waxaana la hoos geyn doonaa Addis Ababa waa haddii uu guuleysto qorshahan gurrucan.


Abiy Axmed ayaa shir isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada ka sheegay in hal madaxweyne ay yeelan doonaan wadamada bariga Afrika basle waxaa lays weydiinayaa maxaa midnimadan cusub loogusoo koobay Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya? illeen Bariga Afrika waa todobo wadan'e.

Dowladda Ingiriiska ayaa dhanka siyaasadda aad utaageeraysa qorshan waxayna gacan weyn ku laheyd tallaabadii Eritrea looga qaaday Cunaqabateyntii saarneed sagaalkii sano ee lasoo dhaafay halka Imaaraatka carabta ay dhanka qarashka qaabilsanyihiin.

David Concar oo ah safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa kulamo isdaba joog ah laqaatay Farmaajo hoggaamiyaha dowladda Federaalka wuxuuna ku cadaadinayaa in ay kamid noqoto isbaheysiga cusub.

Dadka Soomaalida oo lagu sheego 15 Milyan illaa 18 milyan waxaa dalkooda qaadanaya Itoobiya oo dadkeedu yihiin 100 Milyan, shakina kuma jiro in dalku gacanta ka bixi doono haddii aysan shacabka soomaaliyeed ka dhiidhin gumeystaha iyo dhagaraha uu soo maleegayo.

W/Q Hilaal Colaad



Related Items