Farmaajo Oo Xerada Xalane Warqadaha Aqoonsiga Uga Guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka.

Saturday November 17, 2018 - 23:09:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Xerada Xalane Warqadaha Aqoonsiga Uga Guddoomay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka.

    Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ka gelbiyay Farmaajo si uu Xalane ugula kulmo Donald Yamamoto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM ayaa xarunta madaxtooyada Villa Somalia ka gelbiyay Farmaajo si uu Xalane ugula kulmo Donald Yamamoto.


Safiirka cusub ee dowladda Mareykanka ay usoo magacaawday Soomaaliya ayaa diiday in uu tago Villa Somalia wuxuuna Farmaajo iska xaadiriyo Xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM uga suganyihiin dalka.

Ammaanka magaalada Muqdishoo oo bilihii lasoo dhaafay faraha kasii baxayay ayaa sababay in safiirrada dowladaha shisheeye ay ka baqaan xarunta madaxtooyada.

Falkan uu Farmaajo ku tagay Xerada Xalane ayaa taariikhda dib usoo celinaysa,Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda Federaalka C/salaan Hadliye ayaa sanadkii 2016 waraaqaha aqoonsiga sidaan oo kale wuxuu Xerada Xalane kaga guddoomay Safiirkii hore Mareykanka ee Soomaaliya Micheal Schwartz oo sanadki hore is casilay.



Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in hoggaanka dowladda Federaalka ay ka amar qaataan dowlado shisheeye oo si dulli ah awaamir usiiya.

Related Items