Sawirro: Boqolaal Qoys Oo Xoolaha Zakada loogu Qeybiyay Gobolka Galguduud.

Sunday November 18, 2018 - 10:05:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Boqolaal Qoys Oo Xoolaha Zakada loogu Qeybiyay Gobolka Galguduud.

    Xafiiska Zakawaatka wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa Xoolo uqeybiyay boqolaal qoys danyar ah oo kunool degmooyinka iyo deegaannada Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xafiiska Zakawaatka wilaayada Islaamiga Galguduud ayaa Xoolo uqeybiyay boqolaal qoys danyar ah oo kunool degmooyinka iyo deegaannada Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.


Munaasabado ka dhacay degmooyin dhaca Bariga Galguduud ayaa kumanaan neef ari ah loogu qeybiyay dadka ay ku kacdo Zakada waxaana kamid ah magaalooyinka Ceelbuur, Ceeldheer,Galcad,Xiindheere Galhareeri iyo Ceelgaras.


Xoolaha la qeybiyay oo isugu jiray Ari iyo Ido ayaa gaarayay 2067 neef  waxaana ka faa'iideystay illaa 300 oo qoys kuwaas oo ah dadka ay ku kacdo zakada oo ay kamid yihiin Masaakiin iyo Fuqaro.



Sanadkaan isbedel weyn ayaa ku yimid qaabka loo qeybinayay xoolaha Zakada, qoysaska miyiga deggan ee danyarta ah waxaa lasiinayay xoola dhan 20 neef  si ay udhaqdaan ugana baxaan faqriga, 64 qoys ayaa la siiyay Min 20 Neef oo Ari iyo Ido isugu jira, inta kale waxaa lasiiyay 3 neef illaa iyo 5 Neef.

Mas'uuliyiin katirsan Wilaayada Islaamiga Galguduud oo ka hadlay munaasabadihii Xoolaha Zakada lagu qeybinayay ayaa sheegay in sanadkan dadka Zakada lasiiyay ay rajeynayaan in sanadka dambe ay noqdaan dad Hanti leh oo qudhoodu zaka bixiya.

Gobollada dhaca Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ee shareecada Islaamka lagu maamulo ayaa laga aruuriyaan Zakada oo laga qaado dadka hantida heysta dibna loogu celiyo dadka fuqarada ah.

 Hoos Ka Daawo Sawirrada Xoolaha Zakada oo laga qeybiyay Gobolka Galguduud.


 

Related Items