Dagaallo Dad Badan Ku Dhinteen Oo dib uga qarxay Wadanka Afrikada Dhexe.

Sunday November 18, 2018 - 19:13:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Dad Badan Ku Dhinteen Oo dib uga qarxay Wadanka Afrikada Dhexe.

    Wadanka Afrikada dhexe waxaa dib ugasoo cusboonaaday gummaadka lagu hayo dadka muslimiinta ee waxa loogu yeero Q.midoobe ay ugacma qabanayso kuwa Masiixiyiinta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Afrikada dhexe waxaa dib ugasoo cusboonaaday gummaadka lagu hayo dadka muslimiinta ee waxa loogu yeero Q.midoobe ay ugacma qabanayso kuwa Masiixiyiinta ah.


Wararka ka imaanaya Afrikada dhexe ayaa sheegaya in isku dhacyo hor leh oo u dhaxeeya muslimiinta iyo gaalada ay sababeen dhimashada tobnaan qof oo labada dhinac ah sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Ugu yaraan 37 qof ayaa la sheegay in lagu dilay iska hor'imaadyo saacado badan qaatay oo ka dhacay galbeedka afrikada dhexe, dadka lagu dilay dagaallada waxaa kamid ah ciidamo katirsan waxa loogu yeero Q.midoobe.


Maleeshiyada nasaarada Anti balaaka ayaa weerar ku qaaday xeryo ay deganyihiin barakacayaasha muslimiinta, goob joogayaal ayaa sheegay in dhalinyaro muslimiin ah oo ku hubeysan qaanso iyo gammuun ay iska caabin kala hortageen maleeshiyaadka nasaarada Anti balaaka balse dhimashada ugu daran waxay gaartay dadka muslimiinta.



Mas'uul u hadlay waxa loogu yeero Q.midoobe ayaa warbaahinta u sheegay in colaadda ka taagan galbeedka wadankaas ay sii xoogeysatay isagoo xaqiijiyay in mid kamida ciidamadooda lagu dilay magaalada Beerbeeraati.

Dagaalyahanno muslimiin is abaabulay ah ayaa iyana weeraray kaniisad ay lahaayeen dadka nasaarada ah, "rasaas xoogan ayaa lahuwiyay kaniisadda xilli aan gudaha ku sugneyn aroortii hore ee maalintii jimcaha,dhimasho iyo dhaawac midna madhicin balse waxyeello ayaa gaartay dhismaha" sidaas waxaa yiri Nin baadari ah oo u hadlay wakaaladda wararka faransiiska.

Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada dowladda Tanzaniya ee qeybta ka ah howlgalka Q.midoobe ayaa lagu dilay magaalada Berberaati halkaas oo iska hor'imaadyo xooggan ka dhaceen, koox lagu magacaabo sereeri oo Nasaara ah ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarada lagu qaaday saldhigga ciidamada UN-ka.

Maalintii jimcaha qarax aad u xooggan ayaa laga maqlay magaalada caasimadda ah u wadanka afrika dhexe ee baangii, qaraxa ayaan la ogeyn waxa uu ka dhashay warar soo baxay waxay sheegayaan in uu ka dhashay duqeyn ay geysatay diyaarad aan duuliya laheyn nuuca loo yaqaan drone-ka balse warkaasi lama xaqiijin waxaana lala eegtay guri uu xaafadda muslimiinta PK5 uu ka deganaa hoggaamiye katirsan jabhadaha muslimiinta.

Related Items