Farmaajo Oo Booqasho Sedax Maalin Qaadanaysa Uga Billaabatay Wadanka Talyaaniga.

Monday November 19, 2018 - 11:31:54 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo Oo Booqasho Sedax Maalin Qaadanaysa Uga Billaabatay Wadanka Talyaaniga.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale booqashooyin umuuqda dalsii ku aaday dibadda xilli dowladdiisa ay ku furanyihiin xiisada siyaasadeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale booqashooyin umuuqda dalsii ku aaday dibadda xilli dowladdiisa ay ku furanyihiin xiisada siyaasadeed.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo iyo xaaskiisa ayaa saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxayna ujiheysteen dhanka magaalada Rooma ee caasimadda dalka Talyaaniga.

Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay wadanka Talyaaniga wuxuu wadahadal laqaadan doonaa madaxda wadankaas iyo saraakiil katirsan Ururka Midowga Yurub.

isagoo garoonka diyaaradaha Muqdisho kula hadlayay warbaahinta ayuu ammaan ujeediyay dowladda gummeysiga Talyaaniga oo la ogaa sida ay ugummaaday shacabka Soomaaliyeed xilligii ay gummeysanaysay gobollada dhaca Koonfurta dalka "Dalka Talyaaniga waxa aynu wadaagnaa xiriir taariikhi ah, dowladdayduna waxay dadaal gelinaysaa sidii aan dib ugu xoojin lahayn, maadaama ay dowladda Talyaanigu kaalin weyn ku leedahay dib udhiska Soomaaliya, saxiibbo dhawna ay yihiin labada shacab.” Ayuu yiri Farmaajo.


Saraakiil u hadashay Villa Somalia ayaa sheegay in booqashada Farmaajo ee dalka Talyaaniga ay qaadan doonto muddo sedax maalmood ah wuxuuna ka qeyb geli doonaa xaflado soo dhoweyn ah oo ay u sameynayso jaaliyadda Soomaalida magaalada Rooma.

Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa bil walba safarro macna darra ah ku aada dibadda waxaana ugu dambeeyay socdaallo uu ku tagay wadamada Eretrea iyo Itoobiya.

Madaxda cusub ee DF-ka ayaa markii laba sano ka hor  ay talada qabteen waxay ballan qaadeen in ay yareyn doonaan safarrada dibadda si loo beekhaamiyo qarashka faraha badan ee ku baxaya taas bedelkeedna diyaarado ayay lacago boqolaal kun dollar ah ku kireystaan iyagoo ku aadaya safarro tamashleyn ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items