Britain Oo Xirtay Qunsuliyadeedii Mombaasa Kana Digtay Weeraro Hor Leh.

Saturday June 14, 2014 - 12:36:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Britain Oo Xirtay Qunsuliyadeedii Mombaasa Kana Digtay Weeraro Hor Leh.

    Waqti ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay wadamada reer galbeedka xoojinayaan daad gureynta muwaadiniintooda Kenya ku sugan si ay uga badbaadaan weerarada joogtada noqday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Farasul-magaalaha Mombaasa
Waqti ammaanka wadanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay wadamada reer galbeedka xoojinayaan daad gureynta muwaadiniintooda Kenya ku sugan si ay uga badbaadaan weerarada joogtada noqday. Dowladda Ingiriiska ayaa shalay oo jumco aheyd ku dhawaaqday in albaabada laysugu laabay qunsuliyaddii ay ku laheyd magaalada Mombaasa ee dalka Kenya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa lagu sheegay in si KMG ah loo xiray qunsuliyaddaa UK ee magaalada Mombaasa.

"Qiimeyn dheer kadib waxaan go’aansannay in aan xirni qunsuliyadda aan ku leenahay Mombaasa sababtoo ah badbaadinta muwaadinta ingiriiska ah xil weyn baa naga saaran”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Ingiriiska.


Magaalada Mombaas ee xarunta u ah gobolka Xeebta Kenya dhaca waxaa ku badan dadka muslimiinta waxaana dhowr mar ka dhacay dilal iyo qaraxyo lagu eedeeyay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Related Items