Dowladda Pakistan Oo Xirtay Mid Kamida Culimada Ugu Caansan Magaalada Laahoor.

Saturday November 24, 2018 - 19:27:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Pakistan Oo Xirtay Mid Kamida Culimada Ugu Caansan Magaalada Laahoor.

    Dowladda Pakistan ayaa xaqiijisay in ay xirtay hoggaamiye diimeed taageero xooggan ku dhax leh bulsha muslimka wadankaas si aad ahna ugasoo horjeeda maxkamadaha dastuurka wax ku maamula.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageerayaasha sheekh Kaadim
Dowladda Pakistan ayaa xaqiijisay in ay xirtay hoggaamiye diimeed taageero xooggan ku dhax leh bulsha muslimka wadankaas si aad ahna ugasoo horjeeda maxkamadaha dastuurka wax ku maamula.

Wararka ka imaanaya Pakistan ayaa sheegaya in ciidamada 'Argagaxisa ladirirka' ay xireen Sheekh Kaadim Xuseen Ridawi oo ahaa hoggaamiyihii Jamaacada Labeyka oo qaab dacwadeedka u shaqeysa.

Iska hor'imaadyo ayaa magaalada Laahoor ku dhaxmaray ciidamada Booliska iyo taageerayaasha sheekha waxaana rabshadahaas ku dhaawacmay illaa 5 qof oo askar kamid yihiin.

Xukuumadda Dabadhilifka Pakistan ayaa wadaadkan ku eedaynaysa in uu mas'uul ka ahaa abaabulka Dibad baxyo loogasoo horjeeday go'aan ay maxkamad daaquud ah kusii daysay Haweenay Kirishtaan ah oo Aflagaadeysay Nabi Muxamed SCW.


"Madaradeena ayay xoog ku galeen waxayna geysteen dhibaato saacado kadib markii ay sheekha xireen" sidaas waxaa wakaaladaha wararka u sheegay mid kamida taageerayaasha Sheekh Daadim.

Dowladda Dabadhilifadda ah ee Pakistan kajirta ayaa dagaal adag kula jirta jamaacaadka Jihaadiga ah iyo culimaa'udiinka muslimiinta ku baraarijisay isku xukunka shareecada islaamka.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items