Taliyaha Guutada Koowaad Ee Ciidamada Dowladda oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Sh/dhexe.

Saturday November 24, 2018 - 20:56:41 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Guutada Koowaad Ee Ciidamada Dowladda oo Lagu Dhaawacay Weerar Ka Dhacay Sh/dhexe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha dhexe ku dhaxmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo xoogaga Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo maanta deegaanno katirsan gobolka Shabeellaha dhexe ku dhaxmaray ciidamada Dowladda Federaalka iyo xoogaga Al Shabaab.



Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada dowladda dhabarka loogu saariyay dagaalkii ka dhacay inta u dhaxaysa deegaannada Qalimoow iyo Gololeey,
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalkii maanta uu si dirqi ah uga badbaaday Jeneraal sare oo katirsan ciidamada Melleteriga dowladda Federaalka.

Jeneral Ibraahim Yuusuf oo ku magac dheer (Tubaakaweyne) ayaa la xaqiijiyay in uu dhaawac kasoo gaaray dagaalkii maanta, wararka ayaa intaas ku daraya in dhimashada askarta dowladda ee dagaalkii maanta ay gaartay 11 askari.



Tubaaka weyne ayaa DF-ka ugu magacaaban Taliyaha guutada 1-aad ee melleteriga , sarkaalkan ayaa usoo joogay guul darrooyin dhowr ah oo ciidamada dowladda kasoo gaaray dagaallo laba sana ka hor ka dhacay deegaannada dhaca xeebaha Bari ee Sh/dhexe.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items