Al Shabaab Oo 6 Askari Ku Dishay Weerar Ka Dhacay duleedka deegaanka Jaziira.

Thursday November 29, 2018 - 11:16:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo 6 Askari Ku Dishay Weerar Ka Dhacay duleedka deegaanka Jaziira.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo shalay ka dhacay deegaan dhanka galbeed uga beegan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wararka ka imaanaya deegaanka Jaziira ayaa sheegaya in qarax lala helay gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamada dowladda Federaalka, xoogaga Al Shabaab ayaa qarax iyo weerar dhabbagal ah isugu daray ciidamada oo kasoo amba baxay Muqdisho kunasii jeeday dhanka magaalada Marka.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in 6 askari ay ku dhinteen weerarka halka uu burburay gaarigii Cabdi bilaha ahaa ee weerarka lagu beegsaday.

Ciidamada DF-ka gaar ahaan guutada loo yaqaan 14 October ayaa weeraro dhiigbax joogta ah kala kulmaysa ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wadada dhanka xeebta marta.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items