Kala Durugsanaa Ciidankii Dilay Ninkii Nabinimada Sheegtay iyo Kuwii Difaacay [Maqaal].

Thursday November 29, 2018 - 13:49:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 3 1
  • Share via Social Media

    Kala Durugsanaa Ciidankii Dilay Ninkii Nabinimada Sheegtay iyo Kuwii Difaacay [Maqaal].

    قال الله تعالى: الَّذِينَ آمَنُوا يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۖ وَالَّذِينَ كَفَرُوا يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ الطَّاغُوتِ فَقَات

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

قال الله تعالى: الَّذِينَ آمَنُوا يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۖ وَالَّذِينَ كَفَرُوا يُقَاتِلُونَ فِي سَبِيلِ الطَّاغُوتِ فَقَاتِلُوا أَوْلِيَاءَ الشَّيْطَانِ ۖ إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا



Sideedaba dagaalka dunida ka socda waa mid u dhaxeeya dadka ay sheegtay aayadda Qur’aanka ah ee sare ku xusan. Waa kuwa Mu’miniin ah oo ku dagaalamaya jidka Alle iyo qaar gaalo ah oo ku dagaalamaya jidka Dhaaquudka, waxaana shaki ku jirin in dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay maalintii Isniinta uu dhex maray rag difaacayay sharafka Nabiga (صلى الله عليه وسلّم) iyo kuwa difaacayay kii caayay Suubanaheena (عليه الصّلاة والسّلام)!.



Qormadan waxaan isku dul taagi doonaa siduu u dhacay hawl galkii Gaalkacyo, dagaalkii ay  ciidamada Bangaraafta kusoo qaadeen Mujaahidiintii la xisaabtamayay "Ninkii Nabiga caayay” iyo sida ay qadiyaddan u tabineysay warbaahinta ku hadasha afka DFS ee uu hogaamiyo Max’ed C/llhi Farmaajo.

Sirta Qarsoon Ee Ku Jirta Qaabka Uu Dagaalku U Dhacay.

Haddaan ku horreeyo dagaalka wuxuu dhacay xilli aroor ah oo maalintuna Isniin tahay, kaasoo lagu qaaday xeradii uu degganaa ninkii Ambiyada Alle caayay. Dad badan oo aan waaqica la socon waxay muddo horaba Dowladda Federaalka ka dalbanayeen iney disho ninkaas, halka qaar kale-na aaney filanayn haddii la weeraro in uu gurmad ka helo doono Dowladda iyo Maamul goboleedyada, laakin wixii dhacay ayaa dhacay!.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo iyadu aqoon durugsan u leh dadka ay dagaalka kula jirto, caqiidadooda iyo waxa ay u dagaalamayaan ayaa dhankeeda u muuqatay mid kusii tala gashay in ay ciidamada DF-ka  iyo kuwa Galmudug usoo gurman doonaan "Nabi Caaye” waana midda keentay iney iska difaacaan, hawshoodana u gutaan sidii loogu tala galay.

Intii ay xabaddu socotay, warbaahinta DF ee "Radio Muqdisho” ayaa sheegtay in koox Argagixiso ah ay weerareen (waxa ay ugu yeereen Sheekh Cabdiwali) islamarkaana uu socdo gurmad xoog leh oo sida ay yiraahdeen ciidamada Danab ku badbaadinayaan ninkaas isaga ah. Khabarkaas mid lamid ahna waxay kusoo qoreen beejkooda. Balse markii ay hubsadeen in la dilay "Nabi Caaye” ayay u muuqdeen kuwa niyad jabay. Waxaa is badalay codka wariyihii tabinayay dhacdadan, waxaana ugu dambeyntii ay hadalkii kusoo gunteen in ciidamada Qaranka waxay ugu yeereen ay soo afjareen hawl galka!.

Intii uu dagaalku socday waxaa saaxada lagu arkay Mucjiso aaney dadka intooda badan xog dheeraad ah ka heyn, taasoo u baahan in loo dhug lahaado laguna cibro qaato. Maamulka (Ashahaado la dirirka) ee "Galmudug” sida ay sheegeen ragga weerarka fuliyay waxay ahaayeen 4 (afar dhallinyaro ah) waxaana soo weeraray in ka badan 500 oo askari oo isugu jira Baankaraaf, BS, Boolis iyo Milatari sida laga dheehanayay muuqaaladii lasoo duubay intii uu dagaalku socday.

Tan waxay ka dhigan tahay in ciidamadii meesha galay ee Nabi Difaacayaasha ahaa (haddeyba sax noqoto tirada ay sheegeen) in halkii Mujaahidba ay kusoo aadeyso 125 askari (Boqol labaatan iyo shan askari) oo waliba ku dagaalamayay gaadiidka Tiknikad, hubka culus ee lidka diyaaradaha iyo boobayaasha. Haddana saasoo ay tahay wiilashaas waxay u babac dhigeen shanti boqol ee kusoo duushay si ay u badbaadiyaan Nabi caaye.

Alle fadligi waxay wiilashu ku guuleysteen in ay muddo sadax saacadood ka badan la dagaalamaan isbahaysiga sheydaan sidoo kalana xaqiijiyaan dilka C/wali Nabi caaye iyo qaar kamid ah xertiisii. Haddaba, miyaaney halkan cibro iyo waano inoogu sugnayn? Miyaaney dhacdadan ina tuseyn waxa ay u kala taagan yihiin Xarakada Al-Shabaab iyo Dowladda Federalka ah? Miyaaney si ficil ah inoogu caddeyn dhacdadan in Mujaahidiintu dhiig iyo nafaf u hureen difaaca Nabiga (صلى الله عليه وسلّم) Dowladda federalka-na dhiig iyo nafaf u hurtay difaaca ninkii Nabiga caayay? Ma jiro qof uu arrintaasi daah ka saaran yahay. Raggii hawl galka fuliyay waxaan leeyahay Alle Janno ha ugu bishaareeyo, waxay qaboojiyeen laabaha Muslimiinta caalamka, waxayna caalamka tuseen sida uu lama taabtaan u yahay cirdiga Nabi Muxamad (عليه الصّلاة والسّلام).

{نفسي الفداء لقبر أنت ساكنه…فيه العفاف وفيه الجود والكرم}

Lubbi kaliya eebbaa noqdoo lagu lamaannayne
leecaatu aadamiga wixii lumiyay weeyaane
waxaan ahay libaaxii fadhiyay laamanka aroore
waligeyba nimaan laac u dhigay waan luggoyn jiraye
laf dhabarka iyo sow ma jabin luqunta booceeda.

Dagaalka Kadib Sidee Buu Noqday Dareenka Muslimiinta.

Tallaabadii laga qaaday Nabi caaye waxay bannaanka soo dhigtay damiirka dadka Muslimiinta ah meel walboo ay joogaan, taas oo keentay in warbaahinta Reer Galbeedku ay oran waayaan "Alle ha u naxariisto) weedhan oo ahayd mid ay geeridiisa ku laraan nin kasta oo mujirim ah, inkastoo ay isku dayayeen iney warkan xoogaa meeshiisa ka duwaan.

Waxaan la yaabay oday ay yiraahdaan Dalmar oo ay wareysatay idaacadda dowladda Ingiriiska oo markii dhacdadan la weydiiyay isku walaaqay hadallo aanan is qaadan karin. Mar wuxuu sheegay in ciddii Nabiga(عليه الصّلاة والسّلام)caaysaahi uu xukunkeedu dil yahay sida ku cad Shareecada Islaamka. Mar kale-na isagoo dadka caamada ah khaldaya ayaa wuxuu sheegay in qofkii Nabiga caayaahi ay waajib tahay in la weydiiyo towbad kadibna Maxkamad la geeyo isagoo khalad ka dhigay dilkii Nabi Caaye.

Dalmar waxaan u sheegayaa in waagii uu noolaa Nabiga(صلى الله عليه وسلّم)ay dhacday inla dilay dad cirdigiisa ku xad gudbay oo ay kamid ahayd haweeney taasoo markii laga laga takhallusayay aanan loo soo sheegin Nabiga(صلى الله عليه وسلّم)markuu maqlayna uu dadka u sheegay in uu dhiigeedu hadur yahay (Bilaash yahay).Malaha Dalmar haddii uu xilligaasi joogi lahaa wuxuu dhihi lahaa waa khalad marba haddaan Maxkamad lasoo taagin. Waxa kale oo uu ninkaasi beeniyay waxa ay Muslimiintu ijmaac ku yihiin oo ah in la dilayo qofkii Nabiga caaya xataa haddii uu towbad keeno.

Haddaan wax yar kasii ifiyo hadalkii uu ku sheegay in bilaa maxkamad aan la dili karin qofkii Nabiga Caaya, ayaa waxaa iga su’aal ah: tolow maxkamaddee la geyn lahaa ninkaas, ma maxkamadda dowladda Ingiriiska ayaa lasoo taagi lahaa, ma tan maamulka Galmug iyo tan DF? Jawaabtu wey iska cadahay. Ingiriiska iyo Yurubta waxay sameysteen sharci la yiraahdo xoriyadda hadalka oo ay ku xalaashadeen dhowr jeer caayidda Nabiga iyo Qur’aanka. DF-kana iyadaa difaacaysay markii la weeraray. Halka Maxkamadda Galmudug-na ayba horey u xukuntay inuu C/wali xor yahay oo uusan wax dambi ah lahayn maalmo kadib markii uu Nabiga caayay.

Haddaba waxaan ku talinayaa in dadka muslimiinta ah laga daayo marin habaabinta. Maanta ma ahan xilligii ummada maskaxda laga gumeysan jiray. Bulshada Soomaaliyeedna waxaan u sheegayaa iney arrintaasi ku baraarugaan diintoodana ka qaataan Culimada Rabaaniyiinta ah, halkii ay ka qaadan lahaayeen dowladda Ingiriiska iyo kuwa u shaqeeya.

Dardaaran

Halkan waxaan kasoo jeedinayaa dardaaran ku wajahan dhallinyarada halganka kula jirta Shisheeyaha waxaan u sheegayaa iney ogaadaan in cidda u maqan ummadan ay iyagu yihiin. Waa iney ogaadaan iney yihiin kuwa matalaya Muslimiinta Bariga iyo Geeska Afrika. waxaana usoo jeedinayaa iney u dhug lahaadaan dhagaraha is daba yaal ee ay kamid tahay tan ay Itoobiya wado oo ah in geeska Afrika laga tirtiro qariidada Soomaaliya loona badalo Itoobiya ballaaran, taasoo haddii ay ku guuleysataan ka dhigan in la liqay halkii wadan ee ay muslimiinta gobolka oo dhan soo fiirinayeen si ay gumeysiga uga qaadaan.

Waxa kaloo aan idiinku baraarujinayaa inaad maanka ku heysaan iney jiraan kuwa Nabi Caaye ku mabda’ ah, kuwaasoo qaarkood warbaahinta ka sheega iney kacbadi soo rareen iyo iney Geel dhintay soo nooleeyeen. Kuwaas waxaa kaloo aan ka yareysan kuwa ummada heesaha iyo fisqiga ku baahinaya ee Xamar ka jira heer ay gaareen iney kireeyaan guryo lagu iibiyo dumarka halleysan jirkooda sida ay iyaguba saxaafadda u sheegeen. Lama yareysan karo shartooda waayo waxay taariikhdu ina bareysaa in wax yaabihii Tataarka u suura galiyay qabsashada dhulalka Muslimiinta ay kamid ahaayeen fannaaniin heeso ku fasaadiyay ummada damiirkiina ka dilay. Si lamid ah Andalus intaan la qabsan waxaa ummada lagala dagaalamay qayimkeedii iyo akhlaaqdeedii.

"إنما الأمم الأخلاق ما بقيت.. فإن هم ذهبت أخلاقهم ذهبوا”.

WQ: Warfaa Kheyr-Doon.

FG: Maqaalkan wuxuu u gaar yahay qoraaga, ee ma ahan mid ay soo diyaarisay shabakadda Somalimemo

Related Items