Ciidamada Al Shabaab Dib Ula Wareegay Deegaan 30 KM ujira Magaalada Baydhabo.

Friday November 30, 2018 - 13:16:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Dib Ula Wareegay Deegaan 30 KM ujira Magaalada Baydhabo.

    Wararka nagasoo gaaray gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay saaka ay dagaal kooban kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Buureey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka nagasoo gaaray gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada Xarakada Al Shabaab ay saaka ay dagaal kooban kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Goofguduud Buureey.

Saaka aroortii hore ayay cutubyo katirsan ciidamada wilaayada Islaamiga Bay iyo Bakool waxay u dhaqaaqeen dhanka deegaanka Goofguduud Buureey oo qiyaastii 30 Km ujira magaalada Baydhabo.

Wariye ku sugan gobolka Bay ayaa soo sheegay in dagaal kooban uu ka dhacay deegaanka kadibna ay ciidamadii maamulka Koonfur galbeed ay isaga carareen saldhigyadii melleteri oo ay ku sugnaayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xoogaga Al Shabaab ay daabusheen dhammaan saadkii ciidan ee yiillay saldhigyada Melleteri oo ay ka firxadeen ciidamada maamulka 'Koonfur Galbeed'.


Billaawgii bishii October ee sanaddan 2018 ayay aheyd markii ciidamada Mujaahidiintu ay sidaan oo kale ula wareegeen gacan ku heynta deegaankan istiraatiimiga ah waxayna la wareegistan ay imaanaysaa xilli khalalaaso siyaasadeed ay ka jiraan magaalada Baydhabo.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items