Weerar Hubeysan oo lagu qaaday Saldhigga Booliska Magaalada Boosaaso.

Friday November 30, 2018 - 13:53:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubeysan oo lagu qaaday Saldhigga Booliska Magaalada Boosaaso.

    Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo Xoogaga Al Shabaab ay xalay ku qaadeen saldhigga Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu ka jiro maamulka isku magacaabay Puntland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar qorsheysan oo Xoogaga Al Shabaab ay xalay ku qaadeen saldhigga Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo uu ka jiro maamulka isku magacaabay Puntland.


Weerarka ayaa sababay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaartay maleeshiyaatka Puntland waxeyna Goob joogayaal sheegeen iney maqlayeen dhawaaqa qaraxyo iyo rasaas ka dhacaya saldhigaasi.

Inta la xaqiijiyay weerarkan qorsheysan waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ugu yaraan Afar askari oo ka tirsan ciidamada booliska maamulka Puntland, dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay fiidkii ay maqlayeen rasaas xooggan oo laysku dhaafsanayay gudaha Boosaaso.



Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah maamulka Puntland oo ka mid ah maamulada dowladda Xabashida Itoobiya ay ka sameysatay gudaha dalka Soomaaliya.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items