George Bush Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Oo Geeriyooday.

Saturday December 01, 2018 - 09:01:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    George Bush Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Oo Geeriyooday.

    Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in uu halgaasamay mid kamida dagaal oogayaashii xasuuqay muslimiinta oo muddo 4 sanadood ah soo maamulayay wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Mareykanka ayaa sheegaya in uu halgaasamay mid kamida dagaal oogayaashii xasuuqay muslimiinta oo muddo 4 sanadood ah soo maamulayay wadankaasi.


George Bush madaxweynihii hore ee Mareykanka ayaa ku dhintay magaalada  Houston ee gobolka Texas sida uu xaqiijiyay George W. Bush oo ah wiilkiisa, Wargeyska Washingtonpost ayaa isna xaqiijiyay geerida Bush-ka aabaha ah.

"Annagoo murugeysan ayaan iclaaminaynaa geerida Aabeheen George Bush oo runtii ahaa aabe wanaagsan" sidaas waxaa yiri Bush-ka wiilka ah.

George Bush ayaa dalka Mareykanka soo maamulayay intii u dhaxaysay sanadihii 1989 illaa 1993, sanadihii uu xilka hayay ayuu caalamka islaamka ka geystay xasuuq baaxad leh wuxuuna hoggaaminayay duullaankii ciidamada UNISOM ay kusoo qaadeen Soomaaliya billaawgii sagaashameeyadii halkaas oo ay shacab ku gummaadeen.


Sidoo kale George Bush ayaa mas'uul ka ahaa duullaankii ciidamada isbaheysiga reergalbeedka ay ku qaadeen wadanka Ciraaq wuxuuna gaajeysiin ku dilay malaayiin Carruur reer Ciraaq ah kadib markii cunaqabateyn dhan walba ah lagusoo rogay Ciraaq sanaddii 1991.

Bishii Febaraayo ee sanaddan 2018 ayaa geeriyootay Xaaska Bush waxayna muddo sanada ah ku xanuunsanayeen xarun lagu xanaaneeyo dadka waayeellada ah oo kutaal magaalada  Houston ee dalka Mareykanka.

Xaaladda caasimadda ee George W. Bush-ka wiilka ah ayaan iyana wanaagsaneyn waxaana la sheegay in uu kujiro isbitaal isagoo bukaan socod ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items