Xiisado Kajira Magaalada Baydhabo iyo Max'med Mursal oo ka hadlay.

Saturday December 01, 2018 - 10:48:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisado Kajira Magaalada Baydhabo iyo Max'med Mursal oo ka hadlay.

    Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo iskasoo horjeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo iskasoo horjeeda.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo dowladda Federaalka ay shalay geysay magaalada Baydhabo ay xiisada colaadeed ka dhaliyeen magaalada.

Ciidamadan oo katirsan Sirdoonka DF-ka oo shalay diyaarado lagu geeyay Baydhabo ayaa durbadiiba saldhigyo ka sameystay gudaha magaalada waxaana la arkayaa ciidamo wata gaadiidka Tiknikada oo iyana magaalada ku dhax roondeynaya.

Maleeshiyaad daacad u ah Musharraxiinta xil doonka ah ee doonaya in ay u tartamaan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ayaa dareenayay culeys dhanka amniga ah waxayna bilaabeen in ay ciidamo beeleed aruursadaan.


Max'med Mursal oo ah guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Federaalka oo ka hadlay ciidamada lageeyay Baydhabo ayaa sheegay in ciidamadaas ay dhibaato ka dhalin karaan magaalada wuxuuna mas'uuliyadda wixii dhaca uu dusha uga riday madaxda DF-ka.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in Xukuumadda Xasan Cali Kheyre ay faragelin toos ah ku heyso doorashada lafilayo in ay dhacdo horraantan bishaan.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items