R/Wasaaraha Itoobiya Oo Agaasime Cusub U Magacaabay Dhismaha Biya Xireenka Al Nahda.

Saturday December 01, 2018 - 11:48:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/Wasaaraha Itoobiya Oo Agaasime Cusub U Magacaabay Dhismaha Biya Xireenka Al Nahda.

    Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in maamul cusub ay umagacaawday dhismaha biya xireenka murunka badan dhaliyay ee Alnahda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in maamul cusub ay umagacaawday dhismaha biya xireenka murunka badan dhaliyay ee Alnahda.

Wareegto kasoo baxday Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha shirkadda mas'uulka ka ah dhismaha Biya Xireenka Al Nahda ee lagu magacaabo Metic.

Jeneraal Axmed Xamza oo kamid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidamada melleteriga itoobiya ayaa loo magacaabay in uu agaasimo howlaha dhismaha biya xireenkan kadib markii markii uu iscasilay guddoomiyihii hore ee shirkadda oo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo xatooyo hanti qaran.


Metic oo ah shirkad taabacsan wasaaradda Difaaca Itoobiya ayaa lagu eedeynayaa in ay sabab u ahey dib udhaca aadka uballaaran ee ku yimid mudadii ladoonayay in lagu dhammeystiro dhismaha biya xireenka ugu weyn qaaradda Afrika.

Injineerkii qaabilsanaa dhismaha biya xireenkan ayaa bilo ka hor isku daldalay magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya kadib markii uu lunsaday lacago malaayiin dollar ah.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items