Dowladda Burundi Oo Amartay in lasoo xiro Pierre Buyoya .

Saturday December 01, 2018 - 12:10:03 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Burundi Oo Amartay in lasoo xiro Pierre Buyoya .

    Maxkamadda sare ee wadanka Burundi ayaa soo saartay warqad amraysa in lasoo xiro Pierre Buyoya oo ah madaxweynihii hore ee wadankaasi maamulayay mudadii uu socday dagaalkii sokeeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda sare ee wadanka Burundi ayaa soo saartay warqad amraysa in lasoo xiro Pierre Buyoya oo ah madaxweynihii hore ee wadankaasi maamulayay mudadii uu socday dagaalkii sokeeyay.

Dowladda Burundi ayaa sheegtay in ay maxkamadeynayso Pierre Buyoya oo hadda ah Wakiilka gaarka ah ee Ururka Midowga Afrika u fadhiya dalka Maali iyo mandiqadda Saaxilka qaaradda Afrika.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Bujanbura ayaa warbaahinta u sheegtay in waaralka cusub ee ogolaanaya in lasoo xiro Buyoya uu yahay waafaqsan dastuurka Burundi udegsan.

illaa iyo hadda lama oga sida Ururka Midowga Afrika u aqbali karo in lasoo xiro mid kamida shaqaalihiisa muhiimka ah, sanadadii lasoo dhaafay ismariwaa ayaa u dhaxeeyay dowladda Burundiyo,Ururka AU iyo Midowga Yurub waxayna dhowr jeer Burundi ku hanjabtay in ay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya iyo Afrikada dhexe.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items