Khilaaf Soo kala dhaxgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Kheyre.

Saturday December 01, 2018 - 13:10:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaaf Soo kala dhaxgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda Kheyre.

    Khilaaf hor leh ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

khilaafka ayaa ku saleysan musuqa wasiirka maaliyadda
Khilaaf hor leh ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka ugu sarreeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Khilaafkan ayaa u dhaxeeya Xukuumadda Xasan Cali Kheyre iyo hoggaanka baarlamaanka DF-ka wuxuuna salka ku hayaa guddi lakala diray.

Max'med Mursal oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in uu war kasoo saari doono imariwaaga cusub wuxuuna muujiyay sida uu usaluugsanyahay kala diriddii guddiga maaliyadda.

Isagoo wareysi siinayay idaacadda Codka Mareykanka ayuu sheegay in marka uu Muqdisho ku laabto uu war cad kasoo saari doono waxa uu dastuurkoodu ka qabo guddiga lakala diray.


Mursal oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho kana yimid dhanka wadanka Turkiga ayaa soo dhoweyn ballaaran kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka gaar ahaan garabyada mucaaradsan xukuumadda Kheyre.

Waxaa lasaadaalinayaa in loolan dhanka sharciyad ku sheegga dastuurka  ah uu ka dhax dilaaci doono xukuumadda Kheyre iyo Hoggaanka Baarlamaanka dowladda Federaalka.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items