Doorashada Madaxtinimada Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo Markale dib udhacday.

Saturday December 01, 2018 - 13:09:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashada Madaxtinimada Maamulka 'Koonfur Galbeed' oo Markale dib udhacday.

    Shir Jaraa'id oo uu magaalada Baydhabo ku qabtay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayuu ku iclaamiyay in markale dib loo dhigay doorashadii lafilayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shir Jaraa'id oo uu magaalada Baydhabo ku qabtay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxtinimada maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ayuu ku iclaamiyay in markale dib loo dhigay doorashadii lafilayay.



Guddiga ayaa sheegay in sababa jira aawgeed doorashadu dib udhacday illaa 19-ka Bisha December 2018 waana markii sedaxaad oo lagu dhawaaqo in doorashadu dib udhacday.

Magaalada Baydhabo waxay laciir ciiraysaa siyaasiyiin xildoon ah iyo maleeshiyaad hubeysan oo dhinacyadaas kala taabacsan, xiisadaha magaalada ka taagan ayaa sii xogeystay kadib markii dowladda Federaalka ay shalay ciidamo farabadan dhanka hawada ugu daad gureysay magaalada.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items