Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Ay Ku Noqdeen Ciidamo katirsan DF-ka Oo Ka Dhacay Duleedyada Muqdisho.

Saturday December 01, 2018 - 20:00:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Dhimasho iyo Dhaawac Ay Ku Noqdeen Ciidamo katirsan DF-ka Oo Ka Dhacay Duleedyada Muqdisho.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaanno katirsan labada shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday deegaanno katirsan labada shabeelle.


Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 2 askari ay dhinteen kadib markii qarax xooggan lagula beegsaday Koontaroolka degmada Balcad ee dhanka wadada katimaad magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay uu haleelay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Melleteriga xilli ay ku sugnaayeen isku imaatin.


Dhinaca kale Afar askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qarax xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay deegaanka Weydoow ee dhaca duleedka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa haleelay gaari nuuciisu yahay Roneed, dhammaan ciidamadii gaariga la socday ayaa la sheegay in ay noqdeen dhimasho iyo dhaawac, Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxyadii maanta ka dhacay sh/dhexe iyo Sh/Hoose sida ay baahisay idaacadda Andalus.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items