Qaar Kamid Ah Waddooyinka Muqdisho oo Dhagxaan Lagu Gooyay.

Sunday December 02, 2018 - 11:28:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar Kamid Ah Waddooyinka Muqdisho oo Dhagxaan Lagu Gooyay.

    Xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dowladda Federaalka markale dib usoo celisay dhagxaantii waddooyinka lagu goyanayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dowladda Federaalka markale dib usoo celisay dhagxaantii waddooyinka lagu goyanayay.

Isgoyska Zoobe oo kamid ah meelaha ugu muhiimsan ee ay isticmaalaan gaadiidka dadweynaha ayaa lasoo dhigay dhagxaan shamiinto ka sameysan arrinkaas oo shacabka walaac ku abuurtay.

Bartamaha isgoyska ayaa lagu arkayaa dhagxaan waxaana dubaradiiba ciriiri laga dareemay isticmaalka wadada laamiga ah, ciidamo Taraafiko ah ayaa hareer taagan dhagxaanta kuwaas oo waardiyaynaya.

Darawallada gaadiidka dadweynaha ayaa sheegay in tallaabadan dhagxaanta lagu dhigay isgoyska Zoobe ay caqabad ku tahay shaqadooda, wasaaradda ammaanka DF-ka ayaa dhagxaanta waddooyinka lagu gooyo u aragta in ammaanka wax looga qaban karo.


Bishii lasoo dhaafay weerar khasaara badan dhaliyay ayay Al Shabaab ka fulisay Hotelka Saxafi oo ammaankiisa si aad ah ay u ilaaliyaan ciidamo isku dhaf ah islamarkaana lagu gooyay dhagxaan.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items