Sawirro: Al Shabaab Oo Ciidamo ka goostay Dowladda Federaalka kusoo Bandhigtay Gobolka Sh/Hoose.

Sunday December 02, 2018 - 11:51:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Al Shabaab Oo Ciidamo ka goostay Dowladda Federaalka kusoo Bandhigtay Gobolka Sh/Hoose.

    Askar kasoo goostay DF ayaa isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo lagu soo bandhigay gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askar kasoo goostay DF ayaa isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo lagu soo bandhigay gobolka Sh/Hoose.


Askartan oo labo ah ayaa waxa ay ka hawl gali jireen aagga Marko iyo Shalaambood, waxaana ay lasoo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen.

Waxay sheegeen in sababaha ay DF uga soo bexeen ay kamid yihiin iyadoo mar walba ay ku jireen dullinimo maadaama ay ka hoos shaqeynayeen ciidamo shisheeye, difaacna u ahaayeen.

Sidoo kale waxay sheegeen iney usoo joogeen qofkii dukada salaadda oo laga shakinayo. Intaa waxa dheer dhaqan xumada ciidamada DF oo ay ka xuseen kufsiga gabdhaha muslimaadka ah ee Soomaaliyeed, dhaca IWM.



Waxay sheegeen in qudhoodu ay qeyb ka ahaayeen dhaca iyagoo si gaar ah u qirtay iney dheceen maandooriyaha loo yaqaano Qaadka, balse aysan ku lug lahaan kiisas kale.

Waxay saxaafadda u sheegeen iney ka towbad keeneen kamid ahaanshiyihii ciidamada DF iyo la shaqeynta askarta shisheeye ee diimaha kale heysta.




Related Items