Agaasimihii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta DF-ka Oo Ku Dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay.

Sunday December 02, 2018 - 20:51:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimihii Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta DF-ka Oo Ku Dhintay Qarax Muqdisho ka dhacay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xooggan oo maanta gelinkii dambe ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.


Qaraxa oo haleelay gaari nuuca raaxada ah oo uu la socday mas'uul katirsan dowladda Federaalka ayaa sababay dhimashada mas'uulkii bartilmaameedka ahaa sida ay sheegeen dadka deegaanka.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan "Mujaahidiinta ayaa qarax ka dhacay degmada Waaberi ku dilay agaasimihii wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta Kooxda Ridada oo lagu magacaabi jiray Saacid Xuuki" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aaddan qarax lagu dilay mas'uulkan katirsan wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items