Mareykanka Oo Duqeyntii Ugu Badneed Abid Ka Geystay Wadanka Afghanistan.

Monday December 03, 2018 - 12:20:14 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka Oo Duqeyntii Ugu Badneed Abid Ka Geystay Wadanka Afghanistan.

    Warbixin kasoo baxday taliska ciidanka cirka mareykanka ayaa lagu sheegay in sanadkan 2018ka uu ahaa kii ugu duqeynta badnaa wadanka Afghanistan tan iyo markii dagaalka islaam ladirirka ah ay ku qaadeen wadankaas sanadki 2001.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixin kasoo baxday taliska ciidanka cirka mareykanka ayaa lagu sheegay in sanadkan 2018ka uu ahaa kii ugu duqeynta badnaa wadanka Afghanistan tan iyo markii dagaalka islaam ladirirka ah ay ku qaadeen wadankaas sanadki 2001.


Tirada gantaallada ee dowladda mareykanka ay ku garaacay wadanka Afghanistan sanadkii 2001da ayaa gaaray 5,400 Gantaal, hadana muddo 10 Bil ah ayay wadankan ku garaaceen 5,982 Kun oo gantaal sida warbixinta lagu xusay.

Warbaahinta caalamka iyo tan dalka mareykanka ayaa si aad ah u hadal heysa sare ukaca ku yimid duqeymaha mareykanka ee wadanka Afghanistan, kuwaas oo aysan jirin wax guulo ah oo lagasoo hooyay, iyo dad layaqaan oo ay beegsadeen intaba.



Duqeymaha ay dowlada Mareykanka ka geystay Afghanistan, waxaa sii dheeraa ku dhawaad 500 oo kale oo ay fuliyeen dowlada xubnaha ka ah Isbaheysinga NATO iyo ciidanka cirka ee xukuumada Afghanistan inta badana waxa ay beegsadeen dad shacab ah.

Warbixinta laguma sheegin Tirada dadka shacabka ah ee duqeymahan lagu dilay, balse warbixino ay faafisay hey’ad gaaleedka Qaramada Midoobe ayaa lagu sheegay in dadka shacabka ah ee ku dhintay duqeymaha Afghanistan ay si aad ah kaga badan yihiin sanadadii hore.

Imaarada Islamiga ah ee Afghanistan ayaa sheegtay in Bishi Oct oo kaliya Saliibiyiinta ay dileen dad shacab ah oo tiradooda ay gaareyso ilaa 110 qof, sido kalena ay dhaawaceen 77 kale, halka ay xireen dad gaaraya 50 qof, kuwaas oo aan waxba galabsan.

Duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah dad musliminta ah ee reer Afghanistan ayaa soo bilowday sanadki 2001da, wax yar kadib weeraradii 11ka Sep, dagaalka Afghanistana Mareykanka waxaa kaga baxay dhaqaale Farabadan oo kor u dhaafaya 1Tirillion oo dollar, sidoo kalena waxa uu ku waayay kumanaan ciidamo ah, iyaguna waxa ay halkaas ku dileen Kumanaan qof oo shacab ah, iyagoo ku hoos gabanaya waxa ay ugu yeeraan la dagaalanka Argagixisada.

 

Related Items