Weeraro Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir.

Monday December 03, 2018 - 15:04:13 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Khasaara Dhaliyay Oo Ka Dhacay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Wadajir.

    Xoogag hubeysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro dilal ah ka fuliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay weeraro dilal ah ka fuliyay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.



Xalay fiidkii ayay rag hubeysan oo katirsan Al Shabaab waxay howlgal dil ah ka fuliyeen isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid magaalada Muqdisho.

Howlgalkan ayaa lagu dilay nin magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdi Rashiid Taara oo kamid ahaa Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka kusoo xulay maamulka HirShabelle ee fadhigiisu yahay magaalada Jowhar.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen waana qeyb kamid ah weerarada lagu ugaarsanayo Odayaashii dhaqanka iyo Ergadii soo xushay xildhibaannada Baarlamaanka dowladda.



Dhinaca kale qarax xooggan ayaa xalay lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka gudaha degmada Wadajir ee galbeedka Muqdisho.

Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay goob isku imaatin u ahayd maleeshiyaadka dowladda oo xiliyadda habeenkii ay Maandooriyaha Qaatka ku cuni jireen. Kuna yaalla Suuq weynaha xaafada Madiina.

Goobjoogayaal ayaa warbaahidiinta u sheegay in markii uu qaraxu dhacay ay maleeshiyaadka rasaas farabadan fureen inkasta oo aanan weli lasoo sheegin wax khasaare ah oo ay rasaastaasi gaysatay.

Related Items