Sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Beled Xaawo lagu dilay.

Monday December 03, 2018 - 19:08:57 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Beled Xaawo lagu dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay degmo dhacda xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara dhaliyay oo ka dhacay degmo dhacda xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee gobolka Gedo.


Wararka ka imaanaya magaalada Beled Xaawo ayaa sheegaya in weerar hubeysan lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Nabad sugidda dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ladilay Cabdi Qani Axmed Faarax oo kamid ahaa saraakiisha ugu sarraysa ciidamada Nabad sugidda magaalada Beled Xaawo, saraakiil ku sugan Gedo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in sarkaalka ay dileen xoogag hubeysan islamarkaana ay ka qaateen hubkii ay wateen.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Xarakada Shabaabul Mujaahidiin oo ciimadeedu ay bilihii lasoo dhaafay weeraro ka fulinayeen inta badan degmooyinka gobolka Gedo oo ay ku suganyihiin ciidamo Itoobiyaan iyo Kenyaati ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items