Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada Itoobiya Oo Dad Xoola dhaqata ah ku duqeeyay Gobolka Hiiraan.

Monday December 03, 2018 - 20:53:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada Itoobiya Oo Dad Xoola dhaqata ah ku duqeeyay Gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo aan wax khasaara ah dhalin ay ciidamada Cirka Xabashida Itoobiya ka geysteen deegaanno katirsan gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in duqeymo aan wax khasaara ah dhalin ay ciidamada Cirka Xabashida Itoobiya ka geysteen deegaanno katirsan gobolkaas.


Diyaarado Helicopters ah oo loo maleynayo inay Itoobiya leedahay ayaa dad shacab ah ku duqeeyay deegaanka Ganuribad ee duleedka degmada Maxaas mana jirin wax khasaara ah oo dadka shacabka ah kasoo gaaray duqeyntaasi.

Dadkan ay diyaaraduhu duqeeyeen ayaa ahaa dad xoola dhaqato ah mana jirin wax xoola ah oo ku bakhtiyay duqeymaha marka laga reebo argagax iyo anfariir ku dhacday dadkii iyo xoolihi halkaas ku suganaa, wariye ku sugan gobolka Hiiraan ayaa SomaliMeMo khadka taleefanka ugu sheegay in xoolo badan ay dhulka howdka ah ku firxadeen kadib markii ay ka dideen jugta qaraxyada ka dhashay madaafiicda Itoobiyaanku tuurayeen.


Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida itoobiya ayaa muddo Afar sanadood ah saldhig melleteri ku leh degmada Maxaas ciidamadaas ayaa marmarka qaar weeraro kala kulmay Xoogaga Shabaabul Mujaahidiin balse duqeymahan ayaa yimid iyadoo muddo bila ah aysan wax weeraro ah lakulmin saldhigga Xabashida ee Maxaas.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items