Dowladda Qadar Oo Ku Dhawaaqday in ay Ka baxyso Ururka OPEC.

Monday December 03, 2018 - 20:51:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Qadar Oo Ku Dhawaaqday in ay Ka baxyso Ururka OPEC.

    Wararka ka imaanayo wadanka Qadar ayaa sheegaya in xukuumada Dooxa ay go'aansatay in ay isaga Baxdo Ururka OPEC oo ay ku mideysan yihiin dowladaha soo saara shidaalka Dunida qaraarkaas oo wadamada caalamka ku noqday mid lama filaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanayo wadanka Qadar ayaa sheegaya in xukuumada Dooxa ay go'aansatay in ay isaga Baxdo Ururka OPEC oo ay ku mideysan yihiin dowladaha soo saara shidaalka Dunida qaraarkaas oo wadamada caalamka ku noqday mid lama filaan ah.


Wasiirka Tamarta ee wadanka Qadar ninka lagu magacaabo Sacad Al-Kacabi ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in xukuumadiisa ay OPEC isaga bexeyso marka la gaaro Bisha January ee sanadka 2019.

Sacad Al-Kacabi ayaa yiri qaraarka aan kaga bexeynno Hey’addan waxa uu yimid kadib tala bixin iyo ka fiirsi dheer oo qaatay muddo sanado ah, wuxuuna qeyb ka yahay Istiraatijiyad aan ku dooneyno hagaajinta cilaaqaadka dowliga ah, anagoo fiirineyna Mustaqbalka fog.



Maalinimadii Isniinta ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in Madaxda OPEC ay ku war geliyeen in Xukumada Dooxa ay isaga bexeyso golahooda isagoona cadeeyey in Qadar ay sii wadi doonto cilaaqaadkii dhanka shidaalka ee kala dhexeeyay OPEC.

Sababaha ay xukuumadiisu uga bexeyso Hey’addan ayuu ku sheegay kuwa Fani iyo Istiraatiijiyadeed ah balse aan salka ku heyn arrimo Siyaasadeed, wuxuuna adkeeyay in qaraarkaan uusan wax xiriir ah la laheyn Go’doonka ay dowladda Qadar saareen qaar kamid ah dowladaha carabta.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay in muhiimada 1-aad ay siineyso badeecadaha ay u iibgeyso wadamada caalamka, dhawwaana ay shaacin doonto heshiisyo ay lagashay qaar kamid ah dowladaha ug awoodda badan caalamka.

Dadka wax indha indheeya ayaa sheegay in ka bixitaanka dowlada Qadar ee OPEC uusan wax weyn soo kordhin dooni Saameynta xukumada Dooxa ee shidaalkana uu yahay mid xadidan oo laga maarmi karo.

Waziirka ayaa sheegay in qaadashada go’aankan uusan aheyn mid sahlan, maadama ay ururkan xubin kasoo aheyd mudo 57 sano, balse wuxuu xaqiijiyey in Kulanka soo socda ee ururku uu yeelan doono uu yahay kan ugu dambeeya ee dowlada Qadar ay kasoo qeyb gali doonto.

Soo saarista Shidaalka Qadar ayaa la sheega in 100% uu ku tiirsan yahay dhaqaalaha wadanka ee uusan aheyn mid ku tiirsan maal gelin dibada ah, taas ayaana u fududeysay Qadar in ay Ururukan si fudud ka ga baxdo.

Related Items