Cameey iyo Gaas oo soo saaray wareegtooyin is Khilaafsan.

Tuesday December 04, 2018 - 11:13:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cameey iyo Gaas oo soo saaray wareegtooyin is Khilaafsan.

    Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya hoggaanka maamulka isku magacaabay Puntland ee fadhigiisu yahay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeray khilaafka u dhaxeeya hoggaanka maamulka isku magacaabay Puntland ee fadhigiisu yahay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wareegtooyin is khilaafsan oo shalay kasoo kala baxay Cabdi Wali Gaas iyo ku xigeenka Cabdi Xakiim Cameey ayaa lagu kala magacaabay guddiyada xallinta khilaafaadka iyo soo xulidda xildhibaannada baarlamaanka.

Cameey ayaa wareysi uu siiyay idaacada VOA-da wuxuu ku sheegay in magacaabista guddiga ee Gaas aan isaga lagala tashan sidaas daraadeed uu isna magacaabay guddiyo kale.

Khilaafka udhaxeeya hoggaanka maamulka isku magacaabay 'Puntland' ayaa sii xoogeysanayay bilihii lasoo dhaafay wuxuuna salka ku hayaa ismariwaaga u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items