Dowladda Sacuudiga Oo qorshaynaysa in ay sii dheerayso Xarigga Sheekh Suleymaan Al Calwaan.

Tuesday December 04, 2018 - 11:22:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Dowladda Sacuudiga Oo qorshaynaysa in ay sii dheerayso Xarigga Sheekh Suleymaan Al Calwaan.

    Wararka ka imaanayo wadanka Sucuudiga ayaa sheegaya in maamulka Aala Sucuud uu waqti dheeraad ah ku daray xariga mid kamid ah culimada caanka ah ee ku jira xabsiyada wadankaasi oo waqtigii xukunkiisa uu usoo dhammaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bin Salmaan iyo aabihiis oo wada fadhiya.
Wararka ka imaanayo wadanka Sucuudiga ayaa sheegaya in maamulka Aala Sucuud uu waqti dheeraad ah ku daray xariga mid kamid ah culimada caanka ah ee ku jira xabsiyada wadankaasi oo waqtigii xukunkiisa uu usoo dhammaaday.


Bishar Rabiicul Awal ee hada socota ayuu ku ekaa xukun 15 sano ah oo maxkamada ciqaabta wadanka Sucuudiga ay ku riday daaciga caanka ah ee Sheikh Suleymaan Calwaan, hadana waxaa la sheegaya in dib loo dhigay sii deyntiisa.

Warkan ayaa lagasoo xigtay qaar kamid ah ragga u ololeeya sii deynta maxaabiista kujira xabsiyada wadanka Sucuudiga kuwaas oo sheegay in ay kasoo xigteen ehelka Sheekha.


Sheekhan ayaa la xiray Sanadki 2004 kadib markii lagu eedeeyey in uu faafiyo Afkaar argagixiso illaa xiligaasna waxa uu ku jiray xabsiyada maamulka daaguudka ah ee Aala Sucuud, kaas oo ay xabsiyadiisa buux dhaafiyeen Kumanaan kamid ah culamada Musliminta ah ee Xaqqa la jahra.

Waxa uu ku takhasusay Cilmiga Xadiithka iyo Fiqiga, wuxuuna leeyahay duruus iyo Kutub fara badan oo uu qoray kuwaas oo ammaan ka helay culimada waaweyn ee wadanka Sucuudiga sida Sheikh Cabdul Caziiz Bin Baaz iyo rag kale oo fara badan.

Sanadkii  2013ka ayay dowladda Sucuudiga si ku meel gaar ah shiikha usii deysay inkastoo maxkamada Ciqaabta ay ka daba timid go’aankaas ayna ku adkeysatay in Sheikha uu soo dhameysto 15kii  sano ee lagu xukumay, taas oo kasoo bilaabatay sanadkii 2004.

Tuhmooyinka loosoo jeediyey intii ay maxkamadeytiisu soconeysay waxaa kamid ahaa, in sheekh Suleyman Al Calwaan uu taageero dhaqaale siiyo Ururo ay argagixiso ku sheegeen   sida urur weynaha Al qaacida, inuu kulamo la qaatay rag ay dowlada Sucuudiga ku sheegtay in ay Khilaafeen hoggaanka maamulka Aala Sucuud iyo in uu Fatwooday, banaanshaha Camaliyaadka Istish-haadiyada ah ee lala beegsanayo madaxweynta cadowga  iyo dabadhilifyada  ka hoos shaqeyso, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, si lamid ah culimo kale oo ay kamid yihin Sheikh Khalid Alraashidi iyo kuwa kale.

Dadka sucuudiyaanka ah ayaa si aad ah u hadal haya go’aanka kasoo baxay Maamulka Aala Sucuud ee lagu kordhiyey xarigga Sheekh Suleyman Al Calwan oo soo dhameystay 15-kii sano ee lagu xukumay, xilli dad ka ag dhow eheladiisana ay sheegayaan in xaalada caafimaad ee Sheekha aysan aheyn sidii hore.

Sheekhan ayaa kamid ah culimada Rabaaniyiinta ah ee aan marnaba la gamban taageerada uu u hayo Jihaadka caalamiga ah ee lagula jiro Saliibiyinta iyo dawaagiidda, wuxuuna leeyahay Muxaadaraad fara badan oo uu kaga hadlayo Jihaadka iyo waajib ahaanshihiiisa, iyo sida dadka dhalinyarada ah looga doonayo in ay u istaagaan Waajibkan ceyniga ah ee Alle  uu dusha ka saaray, dariiqaasna uu yahay mid kaleya ee qofka muslimka ah uu ku gaaro Sharaf aduun iyo mid Aakhiro intaba.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items