Qarax AMISOM gaari looga Gubay oo Ka Dhacay Wadada Jeneraal Daa'uud.

Tuesday December 04, 2018 - 20:35:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax AMISOM gaari looga Gubay oo Ka Dhacay Wadada Jeneraal Daa'uud.

    Qaraxyo khasasara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ciidamon katirsan shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaraxyo khasasara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ciidamon katirsan shisheeyaha AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya lagula beegsaday gudaha magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo wadada Jeneraal Daa'uud ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in qarax xooggan maanta gelinkii dambe lagula eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu haleelay gaari Taaw ah oo waxyeello xooggan ay gaartay, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa la sheegay in uu ka dhashay qaraxii galabta ka dhacay Jeneraal Daa'uud.

Sidoo kale qarax xooggan ayaa caawa fiidkii lagu beegsaday saldhig ciidamada dowladda Federaalka ay ka sameysteen dhismaha Warshaddii Sarmaan ee degmada Huriwaa waqooyiga magaalada Muqdisho.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dhammaan qaraxyadii ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items