Madaxweynaha Kenya oo Tarsan Ka aqbalay Warqadaha Safiirnimo.

Wednesday December 05, 2018 - 20:37:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya oo Tarsan Ka aqbalay Warqadaha Safiirnimo.

    Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada wadanka Kenya ee magaalada Nairobi ayuu Uhuru Kenyaatta warqadaha aqoonsiga safiirnimo uga guddoomay safiirro ka socday tobaneeyo dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada wadanka Kenya ee magaalada Nairobi ayuu Uhuru Kenyaatta warqadaha aqoonsiga safiirnimo uga guddoomay safiirro ka socday tobaneeyo dal.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo uu Farmaajo maalmo ka hor umagacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya ufadhiya Kenya ayaa kamid ahaa safiirradii laga guddoomay warqadaha aqoonsiga.

Sawirro lagu faafiyay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Kenya waxaa kasoo muuqanayay tiri safiirro ah oo Uhuru Kenyaatta gacan qaadayo waxaana kamid ahaa Tarsan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir xilligii Shariif Sheekh Axmed uu madaxweyne u ahaa dowladda Federaalka ayaa sanadadii lasoo dhaafay ahaa siyaasi jeebka Farmaajo kujiro isagoo noqday lataliyihiisa dhanka siyaasadda ah.


Tarsan ayaa Farmaajo iyo Kheyre isbarbar taagay waqti mucaaradad xooggan ay kala kulmayeen siyaasiyiin reer Muqdisho kuwaas oo aad umucaaradsan qaabka ay wax umaalayaan siyaasiyiinta xisbiga labaxay Nabad iyo Nolol.


SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items