Dowladda Turkiga Oo amartay in lasoo xiro mas'uuliyiin katirsan Maamulka Aala-Sucuud.

Wednesday December 05, 2018 - 20:48:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga Oo amartay in lasoo xiro mas'uuliyiin katirsan Maamulka Aala-Sucuud.

    Warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Turkiga ayaa lagu amray in lasoo xiro labo mas'uul oo katirsan maamulka Aala-Sucuud.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warqad kasoo baxday Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Turkiga ayaa lagu amray in lasoo xiro labo mas'uul oo katirsan maamulka Aala-Sucuud.



Ragga la amray in lasoo xiro waxay kala yihiin Axmad Casiiri oo ahaa kuxigeenkii taliyaha guud ee Sirdoonka maamulka Aala-Sucuud iyo Sucuud Al-qaxdhaani oo ahaa la taliyihii hore ee Muxamed bin Salmaan.

Labadan mas’uul ayaa waxaa horey loogu eedayay iney mas’uul toos ah ka ahaayeen dilkii wariye Jamaal Khaaashiqji, waxaana markii ay soo baxday fadeexadaas uu boqorka Aala-Sucuud uu soo saaray wareegto uu xilka kaga qaaday.

Weli dowaldda Turkiga waxay daba taagantahay qadiyadda Jamaal Khaashiqji oo lagu dhex dilay qunsuliyadda maamulka Aala-sucuud ee magaalada Istanbuul, waxaana la ogaaday in Muxamad bin Salmaan uu yahay qofka bixiyay amarka lagu dilay wariyahaas.

Related Items