Dagaal 5 Askari looga Dilay Ciidamada Maamulka 'Jubbaland' oo ka dhacay deegaan Katirsan Gobolka Gedo.

Thursday December 06, 2018 - 08:57:28 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal 5 Askari looga Dilay Ciidamada Maamulka 'Jubbaland' oo ka dhacay deegaan Katirsan Gobolka Gedo.

    Ciidamada Al Shababa ayaa ka hortagay duullaan ay maleeshiyaad Amxaara Kalkaal ah ku qaadeen deegaan katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Al Shababa ayaa ka hortagay duullaan ay maleeshiyaad Amxaara Kalkaal ah ku qaadeen deegaan katirsan gobolka Gedo.


Wararka ka imaanaya  tuuladda Hareer-tuur ee u dhaxeysa degmada Beled Xaawo  iyo deegaanka tuulo Barwaaqo ayaa sheegaya in xalay tuuladaas ay weerar kusoo qaadeen maleeshiyaad murtadiin ah oo kasoo baxay dhinaca magaalada doolow si ay dhac iyo boob ugu geystaan shacabka muslimiinta ee tuulada hareer tuur

Maleeshiyaadkan oo dhaq dhaqaaqooda laga warhayay ayaa gudaha tuulada markii ay soo galeen waxaa halkaas ku qabsaday dagaal ay la galeen ciidamada  wilaayada islaamiga ee Gedo oo tuulada ammaankeeda sugayay.


Dagaal in muddo ah socday kadib maleeshiyaadka dowladda ayaa dib uga cararay tuulada Hareer tuur balse ciidanka Al Shabaab  ayaan intaas uga harin waxayna sii baacsadeen maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaas lagu dilay shan katirsanaa maleeshiyaadkii amxaara kalkaalka maamulka Axmed Madoobe ee ku hungoobay damacoodii gurracnaa ee ahaa in ay boob u gaystaan dadka Muslimiinta ah ee tuuladaas ku dhaqan.

Meydadka shanta  askari ee lagu dilay dagaalka  ayaa looga cararay goobtii lagu dagaallamay waxayna wararku  intaas ku darayaan  in xoogaga Al Shabaab ay gacanta ku dhigeen 4 qori AK47 ah oo ay wateen ciidamada.

Shanta askari ee xalay la dilay waxaa mid ah sarkaalkii ciidanka hoggaaminayay kaas oo magiciisa lagu soo koobay Fanax wuxuuna uu kamid ahaa saraakiisha maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe  ee sida tooska ah u hoos taga ciidanka itoobiya ee xoogga ku haysta degmada Dooloow.

Firxadka maleeshiyaatkii lagu jebiyay dagaalka ayaa la sheegayaa inay u yaaceen dhanka Magaalada Dooloow oo ah halkii markii horaba laga soo abaabulay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay si buuxda umaamulayaan deegaankii lagu dagaallamay oo ay si adag uga difaacdeen maleeshiyaad Amxaara kalkaal ah.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items